HINDIYA: Nin Jidhkiisa Laga Soo Saaray Dhagax Miisaankiisu Yahay 1.36 Kg

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HINDIYA: Nin Jidhkiisa Laga Soo Saaray Dhagax Miisaankiisu Yahay 1.36 Kg

    HINDIYA: Nin Jidhkiisa Laga Soo Saaray Dhagax Miisaankiisu Yahay 1.36 Kg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HINDIYA: Nin Jidhkiisa Laga Soo Saaray Dhagax Miisaankiisu Yahay 1.36 Kg

Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa galay Qaliinlagaga soo saarayay Dhagax ku jiray oo ka samaysnaa Maaddada Calcium, dhagaxan ayaa waxa uu ku samaysmay Kaadi haysta ninkani waxa aanay dhakhaatiirtu ku sheegeen Miisaanka dhagaxan inuu ahaa 1.36 Kg.

33

Ninkan oo la yidhaahdo Mahesh Patil da’diisuna tahay 49 jir ayaa waxa uu tagay dhakhtarka kadib markii uu xanuun aad u darran ka qabtay caloosha sida uu isagu sheegay balse markii uu la baadhay waxa la ogaaday in calooshiisa uu ku jiro dhagax culusi.

Qaliinkan ayaa waxa fuliyay dhakhaatiir ka hawl gasha dhakhtarka Sri Sinat waxaanu qaliinkaasi socday muddo saacad iyo badh ah, kaasoo dhakhaatiirtu ku guulaysteen in ay si wanaagsan oo aan dhibaato ku jirin ugu soo saaran Kaadi haysta Mahesh dhagaxaasi aadka u cuslaa.