Maxaad Kala Socotaa Ujeedada Farmaajo Maanta Ku Tagayo Baydhabo?

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Ujeedada Farmaajo Maanta Ku Tagayo Baydhabo?

    Maxaad Kala Socotaa Ujeedada Farmaajo Maanta Ku Tagayo Baydhabo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Kala Socotaa Ujeedada Farmaajo Maanta Ku Tagayo Baydhabo?
Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa Axada maanta ah ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.


 
Madaxweynaha Somaliya iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa saakay lagu wadaa in ay ka amba baxaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana la fillayaa in Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyan Madaxda Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliya, ayaa Madaxtooyada Baydhabo kulamo kula leh Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Golihiisa Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi iyo qaybaha bulshada.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka cago dhigatay diyaarad siday Ciidanka Koofi Casta ee Madaxtooyada Somaliya, iyagoona horudhac u ah booqashada Madaxweyne Farmaajo.


 
Ilo wareedyo, ayaa Xogta Media u sheegay in Ciidanka Koofi Casta la dejiyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo xalay ay ku hoydeen, iyadoona maanta lagu wado in ay ka qayb qaataan suggida amniga ee wefdiga Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Baydhabo, ayaa saakay xiray wadooyinka ugu muhiimsan ee isu socodka magaalada, si loogu xaqiijiyo nabadgelyada Hogaamiyaha Wadanka.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo magaalo ku taala dalka, kana baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, 8-dii bishii February.