Dadka Ku Dhaqan Gobolka Saraar Oo Ka Qayliyay Raashin Ay Hay'adda WFP U Qaybisay,Oo Ay Sheegeen Inay Xannuuno Ka Qaadeen,Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Gargaar La Soo Gaadho

0
Tuesday April 25, 2017 - 11:45:11 in by Burco Office
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Ku Dhaqan Gobolka Saraar Oo Ka Qayliyay Raashin Ay Hay'adda WFP U Qaybisay,Oo Ay Sheegeen Inay Xannuuno Ka Qaadeen,Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Gargaar La Soo Gaadho

    Caynaba(AFKA)Dadka Ku Dhaqan Gobolka Saraar Oo Ka Qayliyay Raashin Ay Hay'adda WFP U Qaybisay,Oo Ay Sheegeen Inay Xannuuno Ka Qaadeen,Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Gargaar La Soo Gaadho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caynaba(AFKA)Dadka Ku Dhaqan Gobolka Saraar Oo Ka Qayliyay Raashin Ay Hay'adda WFP U Qaybisay,Oo Ay Sheegeen Inay Xannuuno Ka Qaadeen,Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Gargaar La Soo Gaadho

Dadka Ku Dhaqan Gobolka Saraar Oo Ka Qayliyay Raashin Ay Hay'adda WFP U Qaybisay,Oo Ay Sheegeen Inay Xannuuno Ka Qaadeen,Xukuumaddana Ugu Baaqay Inay Gargaar La Soo Gaadho Dadka ku dhaqan Gobolka Saraar oo ka mid ah Gobolada Bariga Somaliland ee ay Abaarta ba’ani ka taagan tahay ayaa qaylo dhaan ka soo saaray raashin ay sheegeen inay u qaybisay Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP,Waxay ay Masuuliyiinta Hay’adda ugu baaqeen inay raashinkaas deg deg uga dhex gurtaan deegaamada Gobolka Saraar,Waxaanay sidoo kale eedo culus u soo jeediyeen nin ay magac dhabeen oo ay ku eedeeyeen inuu faa’iido ka raadinayo raashinkaasi,waxaanay Xukuumadda ugu baaqeen inay Gurmad deg deg ah la soo gaadhay oo baadhitaan lagu sameeyo raashinkaasi oo ay sheegeen inay Xiitaa cuni kari waayeen Damiirihii iyo Xoolihii kaleba,islamarkaana dadkii cunay ka qaadeen Xanuuno kala duwan.

 

Dadkaasi oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa waxa hadaladoodii ka mid ahaa"Hadaanu nahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Caynaba, Waayeelka, Waxgaradka,Iyo Aqoonyahanka Gobolka Saraar gaar ahaan Degmada Caynaba,Waxaanu iskugu nimid inaan ku hadalno arin Gobolkan Sarraar kajirta oo ku saabsan Raashin Hadhuudh ah oo ay keentay Hay’adda WFP, Anigoo ah Xasan Casayr,Waxaan leeyahay,Hadhuudhkaasi laba bilood ayaa loo keenay,Dadkii way ku xannuunsadeen,Xoolihii way ku Xanuunsadeen,Wax Anfacaya dadkii maaha,in badan oo ka mid ahna Waxaa ku dhacday in Mucaawinayooyinkii la soo diri jiray laga joojiyo oo la yidhaa Hay’ad ayaa wax idin siisa,Waxaanu u soo jeedinaynaa Xukuumadda inay deg deg ugu soo gurmato dadkan buka,Shaqana ka qabato Hay’addaasi dadkii sumaysay”.


Waxa kale oo ay yidhaahdeen"Hadhuudhkan ay keentay Hay’adda WFP,Kamaannu eegayn inay Hadhuudhka Dameeraha noo keento,Iskadaa dad eh,Adhigii iyo Dameerihiina waa cuni waayeen,Waxaanu codsanaynaa in Raashinkaasi lanaga joojiyo oo aan lanoo keenin,dad ayaa qandaraaska qaatay ayaa la leeyahay oo lacag 130-Dollar ah ayaa laga saxeexayaa qoys walba iyo cidii qaadata,Ninka Raashinkani qaybinaya ee qandaraaska qaata waxa la yidhaa Bilaal,Waxaanu ugu baaqaynaa Billlaal inuu umadda u naxariisto oo uu dadka ka joojiyo raashinkani dhacay ee lagu bukooday,Dadku nafaqo ayuu u baahan yahay,Abaar ayaa ka jirta Gobolka,waar haddii aydaan noo soo badelayn fadlan naga celiya kan,Alle ayaa wax dhaama aanu ka barinay oo wax dhaama noo keenayee”.

Ugu dambayn waxa ay sheegeen oo ay yidhaahdeen"Ninka Raashinkan keenay Gobolka,Bilaal Xasan Nuur ayaa la yidhaa,Maaha in Samafal laga faa’iido oo cidi ka faa’iido,130-Dollar ayuu ku Qiimaysan yahay ayaa la yidhi,Waxa meesha la keenayna Haddii la isku geeyo Labaatan Dollar ma noqonayso”.
Masuuliyiinta Xafiiska WFP ee Somaliland oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino arintani ayaanay noo suurtagalin kadib markii ay naga qaban waayeen Telefankooda gacanta.