Xukuumadda Oo Xanibaad Ku Soo Rogtay Qurba-jooga Somaliland Ee Xagaaga Sannadkan Dalka Kusoo Laabanaya.

0
Tuesday April 25, 2017 - 13:32:18 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Xanibaad Ku Soo Rogtay Qurba-jooga Somaliland Ee Xagaaga Sannadkan Dalka Kusoo Laabanaya.

    Hargeysa(AFKA);Xukuumadda Somailand ayaa amaro cusub kusoo rogtay dadka qurba-jooga ah ee asal ahaan kasoo jeeda Somaliland balse haysta dhalashooyinka Ajanabiga ah inay soo dalbadaan fiisayaasha ay kusoo galayaan Somalilad ka hor inta aanay diyaarad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Xukuumadda Somailand ayaa amaro cusub kusoo rogtay dadka qurba-jooga ah ee asal ahaan kasoo jeeda Somaliland balse haysta dhalashooyinka Ajanabiga ah inay soo dalbadaan fiisayaasha ay kusoo galayaan Somalilad ka hor inta aanay diyaaradaha soo raacin,

waxaana ay amar culus xukuumadda Somaliland dul dhigtay shirkadaha kala duwan ee dunida daafaheeda ka soo qaada Qurba-jooga kuwaas oo ay ku wargelisay in aanay soo qaadi Karin dadka aan haysan fiisayaasha dal ku galka Somaliland.


Go’aankaasi kasoo baxay xukuumadda madaxwayne siilaanyo ayaa waxa cabasho xoogan ka muujiyey qurba jooga Somaliland ee xagaagan dalka kusoo noqonaya,waxaana ay madaxwaynaha Somaliland ka codsadeen in go’aankaasi laga noqdo madaama oo uu dhib wayn ku hayo qurbajooga Somaliland ee dalkooda hooyo kusoo laabanaya.

Cabdirisaaq Qaraf-qaraf oo kamid ah Qurba-jooga reer Somaliland eku nool wadanka Denmark ayaa muuqaal uu amarka kasoo baxay xukuumadda Somaliland uu kaga hadlayey soo dhigay baraha bulshaddu ku kulanto ,waxaana uu sheegay in amarka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee ku aadan qurba-jooga uu yahay mid nasiib daro ah oo sharci darro ah isla markaan aan loo baahnayn in dawladu dadkeedii sidaas ula dhaqanto waxaana uu yidhi

"Wakhtiyada xagaaga waxaanu ku laabanaa dalkeenii Hooyo ee Somaliland,hadii aynu nahay qurba-joogana waxaynu ku kala nool nahay dalal iyo qaarado kala duwan oo aduunka ah,hadaba waxa nasiib darro ah in maadaama oo dadkeenii reer Somaliland u ooman yihiin in dalkoodii hooyo ku noqdaan ayaa waxa soo baxaysay in ilaa shalay ilaa darraad dadkii haystay Baasaboorada wadamada Yurub ee Dalkooda hooyo kusoo labanayey in diyaaradihii Imaaraadku kusoo celiyeen madaaradii dadku ka baxayeen ee Yurub,iyaga oo maamulka shirkadaha diyaaraddahaasi sheegayaan in Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu galeen heshiis ah in dadka kasoo jeeda Soaliland aanay bilaa Fiise aanay diyaaraddaha kusoo fuuli Karin oo aanay ku tagi Karin Somaliland,markaa waxa nasiib darro ah in xukuumaddii dadkeeda hawlaha u fududayn lahayd inay dadkii ku adkayso in dalkoodii ay dib ugu soo laabtaan”sidaas ayuu yidhi.

Amarkan lagu joojiyey Qurba-jooga Somaliland kasoo jeeda inay xagaagan dalka yimaadaan ayaa waxa uu kasoo baxay hay’adda Laanta Socdaalka Somaliland ,waxaana qoraal aan helnay oo Ingiriisi ku qornaa ku saxeexnaa taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaaan Cali (Dayyib) taas oo uu u kala direy shirkadaha Diyaaraddaha,madaarada Somaliland iyo waliba wasaaraddaha Somaliland qaarkood.ilaa hadda se si cad looma sheegin sababta loo xayirray sanadkan qurbajooga Reer Somaliland ee kusoo laabanaya dalkooda Hooyo.