Wiil Yar Oo Aabihii U Bixiyay Messi Oo Daacish U Xidhnaa Muddo Laba Sanno Ah.

0
Thursday April 27, 2017 - 09:29:21 in by Burco Office
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Yar Oo Aabihii U Bixiyay Messi Oo Daacish U Xidhnaa Muddo Laba Sanno Ah.

    -Dagaalyahanada Daacish ee ka Dagaalama gudaha Dalka Suuriya iyo ciraaq, ayaa waxa ay afduubeen Wiil yar oo Da'diisu ahayd 3 jir waxa aanay xidheen muddo laba sano ah, waxa aanay dib wiilkaasi yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Dagaalyahanada Daacish ee ka Dagaalama gudaha Dalka Suuriya iyo ciraaq, ayaa waxa ay afduubeen Wiil yar oo Da'diisu ahayd 3 jir waxa aanay xidheen muddo laba sano ah, waxa aanay dib wiilkaasi yar

-Dagaalyahanada Daacish ee ka Dagaalama gudaha Dalka Suuriya iyo ciraaq, ayaa waxa ay afduubeen Wiil yar oo Da’diisu ahayd 3 jir waxa aanay xidheen muddo laba sano ah, waxa aanay dib wiilkaasi yar xoriyadiisa dib ugu soo celiyeen kadib markii ay kooxdaasi ku guul daraysatay Dagaalkii Magaalada Mousil ee Dalkasi Ciraaq.

Sababta wiilkan yar ay kooxda Daacish u xidhay ayaa ahayd in wiilkan yar uu aabihii u bixiyay magaca Ciyaartooyga kooxda Barcelona ee Messi, waxa aanay waalidka wiilkaasi dhalay ku muujinyay arrintaasi taageerada aadka u balaadhan ee uu hayo Ciyaartoyga Messi.

Warbixinta wiilkan yar oo ay soo bandhigtay jariidada Daily Mail ee Dalkaasi Britain ayaa waxa kale oo ay sheegtay in qoyska uu ka dhashay wiilkan yari uu ka soo jeeda Qoomiyada loo yaqaano Yazidi’nta ee dagta waqooyiga Dalkaasi Ciraaq ,waxa aanay dad badan oo qoomiyadaasi ka mid ahi u gacan galeen kooxdaasi Daacish balse wiilkaasi yare e Messi oo ay kooxda Daacish gacanta ku dhigtay sanadkii 2014kii waxa ay haatan da’diisu tahay 5 jir waxa aanau isaga oo nabad qaba dib ugu soo noqday qoyskiisii laga afduubay laba sano ka hor.