Ururka Isku Magaacabay Inuu Ka Shaqaynaayo Arimaha Bulshada Oo Isku Badalay Mid Xisbi U Olalaynaya+Dareenka Bulshada Burco

0
Sunday April 30, 2017 - 16:24:05 in by Super Admin
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Isku Magaacabay Inuu Ka Shaqaynaayo Arimaha Bulshada Oo Isku Badalay Mid Xisbi U Olalaynaya+Dareenka Bulshada Burco

    Urur Dhawaan Lagaga Dhawaaqay Magalada Burco Oo Ciwaan Looga Dhigay Inay Ka Shaqaynayaaan Arimaha Bulshada Gar ahaan .Ladagaalaanka Qabyaalada Iyo Ka Shaqaynta Qarinimada Somaliland Ayaa Maalmihi Udanbeeyay Isku Badalay Mid Xisbi Ka Mida Xisbiyada Qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Urur Dhawaan Lagaga Dhawaaqay Magalada Burco Oo Ciwaan Looga Dhigay Inay Ka Shaqaynayaaan Arimaha Bulshada Gar ahaan .Ladagaalaanka Qabyaalada Iyo Ka Shaqaynta Qarinimada Somaliland Ayaa Maalmihi Udanbeeyay Isku Badalay Mid Xisbi Ka Mida Xisbiyada Qaranka U Raadinaya Cod Iyo Tageero.

Ururkan Oo La Magax-Baxay Samadoon Ayaa Dhawaan Shaaciyay Inay Sulinayaan Qabyalada Una Olalaynayaan Inuu Qaranka Somaliland U Helo Wakhtigan Isbadal,Taasi Oo Soo Ifbaxday Inay Maalgalinteeda Iyo Maskaxdii Ka Danbaysay Ahayd Xisbiga Ucid.

Ururkan Samadoon Oo Jaahwareer Ku Riday Bulshada Burco Isla Markaana Aan Soomarin Hayadihii Ku Shaqada-lahaa Sharciyeenta Ururada Ayaa La Filayaa Inay Maalinta Bari Ah Ku Biraan Xisbiga Ucid Oo Hore U Lahayd Maskaxda Ururkan,

Qaar Ka Mida Dhalinyaradi Ka Qaybgashay Daahfurka Ururkani AYaa Sheegay In Qorshaha Ururkan Lagu Aaasasay U Ahaa In Cod Iyo Tageero Lagu Raadiyo Xisbiga UCid Oo Ka Mida Saddaxda Xisbi Qaran Ee Ka Jira Dalka.

Bulshada Burco Ayaa Markii Ay Soo Ifbaxdat Arinka Ururkan Ku Hadalhaysay Goobaha Lagu Shaheeyo In Dhalinyaradii Qarkood Ay Ururkii Arimaha Bulsada U Badalaan Mid Ay Ku Raadiyaan Lacag Una Olalaeeyaan Xisbi Qaran Iyaga Oo Aan Aqoontoodu Gaadhsisanayn Her Jamaacadeed Oo Badan Arday Wax Ka Barata Dugsiyada Sare Ee Magalada Burco Isla Markaana Gaadhin Xili Ay Ku Dhexmilmaan Siyaasadda Dalka,

Si Kasta Ahaate Waa Dhacdo Ugub Ku Ah Dalka Somaliland Gar Ahaan Gobolka Togdheer Inay Urur La Sheegay Inuu Ka Shaqaynayo Arimaha Bulshada U Isku Badalo Mid Cod Lagu Raadiyo Xisbi Ka Mida Xisbiyada Dalka Ka Jira.