Qaramada Midoobay Oo edayay Weerar Lagu Qaaday Villa Soomaaliya

0
Saturday February 22, 2014 - 15:51:09 in by London Office
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo edayay Weerar Lagu Qaaday Villa Soomaaliya

    Qaramada Midoobay ayaa si kulul u weerar u edeyay ismiidaamin ahaa oo ay sheegteen kooxda Al-shabaab oo ay sheley ku qadeen Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ay ku dhinteen Masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsanaa dawladdasomalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u weerar u edeyay ismiidaamin ahaa oo ay sheegteen kooxda Al-shabaab oo ay sheley ku qadeen Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ay ku dhinteen Masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsanaa dawladdasomalia.


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerarkan culus ee Al-shabaab ka fulisay Madaxtooyada Soomaaliya uu khasaare badan keenay, laakiin aanay ogollaanayn dhibaatada Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, oo markii weerarkaasi dhacay soo saaray War-saxaafadeed, ayaa yidhi "Weerarku wuxuu sababay dhimasho, si adaga ayaan u cambaareynayaan falkaas argagaxisonimo”

Mr. Kay ayaa tilmaamay in falkani uu ahaa mid aad looga xumaado isla markaana ah fal fool xun oo uu xusay in lagu dhibaateeynayo shacabka Soomaaliyeed, isagoona tacsi u diray ehellada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi "Shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen xabad, isqarxin iyo dilal, waa waqtigii weji cusub ay geli lahayd taariikhda Soomaaliya, mana ogolaan doonno in dib loo laabto xilligan adag” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay, isagoo sidoo kale amaan u jeediyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay si xirfadeeysan uga hortageen weerarka Al-shabaab ka fulisay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inuu dhacay xiligii la tukanayey Salaaddii Jimce.


AFKASHACABKA.COM
MUQDISHO/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM