Waa Maxay Sababta Hablaha Loogu Xidho Taajka Cad Habeenka Arooska??

0
Thursday May 04, 2017 - 09:31:41 in by Burco Office
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Hablaha Loogu Xidho Taajka Cad Habeenka Arooska??

    Waa Maxay Sababta Hablaha Loogu Xidho Taajka Cad Habeenka Arooska??

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maxay Sababta Hablaha Loogu Xidho Taajka Cad Habeenka Arooska??

-Midabka cadi ma ahaan jirin mid lagu calaamadiyo munaasabadaha arooska waxii ka horeeyey bilowgii qarnigii labaatanaad ee ina dhaafay laakiin maryaha cadcadi waxay ahaayeen kuwo loo gashan jiray oo lagu cabiri jiray munaasabadaha tacsiyadaha.


Qarniyadii u dambeeyey dharka aroosku ma ahayn mid ay dadku ka sinnaayeen oo dabaqadaha kala duwan ee bulshadu ay si isku mid ah habeenkaa u xidhan jireen, waxayna ahayd arin ku xidhan heerka nololeed ee qoysaska ubadkoodu is guursanayaan, maadaama habeenka arooska dharka taajiriintu ay lebisanayeen dhar ka samaysnaa xariir oo midabadiisuna ay aad u qurux badnaayeen, laakiin shayga ay saboolka iyo hantiilayaashu ka sinnaayeen uu ahaa in aanay xidhan jirin dhar caddaan ah marka laga reebo qaar ka mid ah dadka ku dhaqnaa Gobolka Geeska Afrika sida uu daabacay website-ka Marry Jim.

Boqoradii Scotland ee Routine ayaa u bilowday inay habluhu xidhaan taajka cad habeenka Arooska markii ay sanadkii 1559 guursatay Francis Delphine, waxana ay u xidhatay iyadoo midabka cadi u ahaa kii ay jeclayd inkastoo maryaha cadcad tacsida lagu yaqaanay.

Taajka cad ee hablaha lagu gelbiyo ayaa bilowgii qarnigii labaatanaad soo dhaafay qasriyada Boqortooyooyinka oo u soo gudbay bulshada caamka ah kuwaas oo isticmaalay, waxana marka loo eego cilmi nafsiga uu midabka cadi u taagan yahay deganaanshaha, calaamad-na u yahay xasiloonida, jacaylka iyo is dhiibitaanka, waana arinta ka dhigtay dharkaa in loo isticmaalo xafladaha arooska.