Fadeexda Dul Hoganaysa Wasiir Cali Mareexaan Oo Iibinaya Bogcada Ugu Qaalisan Hargeysa + Qiimaha Uu Siisanaayo.

0
Monday May 08, 2017 - 09:41:21 in by salman abdi
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexda Dul Hoganaysa Wasiir Cali Mareexaan Oo Iibinaya Bogcada Ugu Qaalisan Hargeysa + Qiimaha Uu Siisanaayo.

    Fadeexda Dul Hoganaysa Wasiir Cali Mareexaan Oo Iibinaya Bogcada Ugu Qaalisan Hargeysa + Qiimaha Uu Siisanaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexda Dul Hoganaysa Wasiir Cali Mareexaan Oo Iibinaya Bogcada Ugu Qaalisan Hargeysa + Qiimaha Uu Siisanaayo.

Wasiirka wasaarada Hawlaha guud Cali Mareexaan iyo wasiirka wasaarada

caafimadka Saleeban Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa waxaa la sheegay in wakhtigan lagu jiro kala guurka ay isla garteen in ay iibinayaan mid ka mid ah goobaha ay ugu qaalisan Suuqa Hargeysa goobtaas oo ay leedahay dawladu .


Bogcadan ayaa waxaa ay tahay xarunta hooyada iyo dhalaanka taas oo ku taala badhtamaha suuqa weyn ee Hargeysa gaar ahaan agagaarka sarta dheer ee ay ku jirto shirkada Dahabshiil .


 

 

Wargeyska Hubaal oo saaka warkan ku soo baahiyey bogagiisa hore waxaa uu sheegay in uu helay wargeysku xogo xaqiiq ah oo ku saabsan dhul boobkaas uu bilaabey wasiir Cali Marexaan .


Sidoo kale qiimaha uu goobtaas ku iibinaayo Wasiir Cali Mareexaan ayaa waxaa uu wargeysku ku sheegay in ay tahay2 Million oo Doller


Haddii ay arrinkani suurto gasho waxay ay laf jab ku tahay guuud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaan dadka oo aan helayn adeegii caafimaad ee ay ka helayeen goobtan iibka loo qorsheeyay sidda wargysak hubaal xaqiijiyay.


Sidoo kale waxaa ay arintani ku soo beegmaysa xili uu madaxweyne Siilanyo amar ka soo saartey ilaalinta hantida umada xiligan lagu jiro kala guurka .

XIGASHO HUBAAL