Maamul Gobolleedka Puntland Oo Wasiirka Waxbarashada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ka Hor-istaagay Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag

0
Saturday May 20, 2017 - 15:56:44 in by Burco Office
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Gobolleedka Puntland Oo Wasiirka Waxbarashada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ka Hor-istaagay Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag

    Maamul Gobolleedka Puntland Oo Wasiirka Waxbarashada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ka Hor-istaagay Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamul Gobolleedka Puntland Oo Wasiirka Waxbarashada Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ka Hor-istaagay Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag

-Wararka naga soo gaadhaya degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan degmada Badhan ee gobolka Sanaag ay wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane iyo wafti uu hogaaminayo ka hor-istaageen inay gudaha u galaan degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag.

Waftigan wasiirku hoggaaminayo oo ay xubno ka ahaayeen guddiga Imtixaanaadka guud ee Qaranka Somaliland ayaa waxa xoguhu Ramaasnews u sheegeen in ay hor istaageen ciidamo guuto ah oo uu hogaaminayo sarkaalka Maamulka Puntland ugu magacaaban taliyaha ciidamada Maamulka Puntland ee gobolka Sanaag Kornel Cabdulaahi Cumar Cashuur kuwaas oo waftigan u diiday inay gudaha u galaan degmada Badhan oo ay waftigani u socdeen.

Waftigan wasiirku hogaaminayo ayaa waxay ka baxeen magaalada Ceerigaabo iyaga oo degmada Badhana u tagayey arrimo ay kamid yihiin sidii ay usoo kormeeri lahaayeen xaaladda Waxbarasho ee degmada iyo sidii ay Isuduwaha waxbarashada degmada Badhan ugu wareejin lahaayeen gaadhi cusub oo ay ugu talo galeen degmada iyo qalab waxbarasho,balse markii ay u dhawaayeen degmada ayaa loo sheegay in ay ciidamado ka socda maamulka Puntland ay diideen inay gudaha u galaan degmada waxaana ay sababtay in wasiirka iyo waftigii uu hogaaminayey ay dib ugu soo noqdaan magaalada Ceerigaabo waa sida ay xoguhu noo sheegeen.

Waa markii ugu horeysay ee wafti uu hoogamainayo wasiir ka tirsan dawlada Somaliland ay is hortaagaan ciidamo ka socda maamulka Puntland isla markaana ay u diidaan inay gudaha u galaan degmada badhan ee bariga gobolka Sanaag,waxaana xoguhu Ramaasnews u sheegeen in la filayo in ciidamada Qaranka Somaliland ay gaadhaan degmada Badhan ee ay ku sugan yihiin ciidamadan Maamulka Puntland ka socda ee wasiirka Waxbarashada Somaliland u diiday inuu gudaha u galo degmada Badhan.