Trump oo la kulmi doona madaxda dalalka Islaamka

0
Sunday May 21, 2017 - 10:15:03 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo la kulmi doona madaxda dalalka Islaamka

    Madaxweynaha Mareykanka oo booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka qabtay ku tegay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo hogamiyeyaasha 40 dal oo Islaam ah, kuwaa oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka oo booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka qabtay ku tegay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo hogamiyeyaasha 40 dal oo Islaam ah, kuwaa oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya.


Madaxweynaha Trump ayaa sheegay in booqashada uu ku tegay Sacuudiga ay ahayd mid aad u ballaaran leedahay, madaama ay dalka Sacuudiga saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo ku kaceyso balaayiin doolar.

Waxaana sidookale lagu wadaa in uu khudbad uu diirada ku saarayo sidii loogu midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu u jeediyo madaxda dalalka Islaamka.

Heshiiska ugu muhiimsan waxaa uu ahaa heshiis dhanka difaaca oo ay wada saxiixdeen labada dal, si sare loogu qaado awooda milateri ee Sacuudiga. Waxaana uu Mareykanku sheegay in heshiiska dhanka hubka uu wax ka tari doona khataraha Sacuudiga kaga imaanaya dalka Iran, sidookalena uu sare u qaadi doono ammaanka Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga ayada oo ay labada dal doonayaan in ay dib boorka uga jafaan xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya .

Balse booqashada Trump ayaa waxaa hareeyay baaritaanka lagu hayo xiriirka la sheegay in kooxdiisii ololaha doorashada ay la samaysay Ruushka.

Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa'iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.


xigasho/BBC Somali