Boqorka Dalka Holland Oo Muddo 21 Sannadood Ah Qaban Jiray Shaqo Aanay Ogeyn Shacabkiisu.

0
Monday May 22, 2017 - 14:20:48 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Dalka Holland Oo Muddo 21 Sannadood Ah Qaban Jiray Shaqo Aanay Ogeyn Shacabkiisu.

    Boqorka dalka Holland, Willem-Alexander ayaa la sheegay inuu muddo 21 sannadood si qarsoodi ah ugula shaqeyn jiray shirkadda Diyaaradaha KLM duuliye diyaaradeed, aanu shacabka dalkaasi ogeyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorka dalka Holland, Willem-Alexander ayaa la sheegay inuu muddo 21 sannadood si qarsoodi ah ugula shaqeyn jiray shirkadda Diyaaradaha KLM duuliye diyaaradeed, aanu shacabka dalkaasi ogeyn.
Boqorka Holland ayaa qisadan markii ugu horeysay doraad ku sheegay wareysi telefishanka Holland la yeeshay inuu shaqada duuliyenimada oo hiwaayadiisa ahayd ku caawin jiray shirkadda diyaaradaha, mushahar la’aan.

Muddo 21 sannadood ah ayuu Mr. Alexander bishiiba laba jeer duuliye ka noqon jiray diyaaradaha isaga oo u kala goosha dalka Holland dhexdiisa ee shirkadda KLM.

Inkastoo la sheegay in rakaabka diyaaradahu badi aqoonsan jireen codkiisa, xilliyada uu sheegayo isbeddelka cimilada iyo xilliga diyaaradu fadhiisanayso madaarka, balse marnaba lama shaacin shaqadiisa duuliyenimo.

Diyaaradihii boqorka Holland duuliyaha labaad ka noqon jiray oo nooca Fokker 70 ayaa xilligan la sheegay in shirkadda diyaaradaha KLM joojisay isticmaalkooda, taasoo keenaysa inuu barto noocyada waaweyn ee Boeing 737s.

Balse, boqorkan da’diisu tahay 50 jirka, oo sheegay inay hiwaayaddiisa ahayd shaqada duuliyenimadu, uu ku raaxaysan jiray xilligan uu ku jiro, balse wakhtigan aanu qorshaha ugu jirin inuu barto sida loo kaxeeyo diyaaradaha waaweyn ee Boeing.

"Inkastoo codkayga rakaabku maqli jiray, haddana cidna ma ogeyn shaqadayda duuliye.” Ayuu yidhi.