Lionel Messi Oo Ku Guuleysta Abaalmarinta Pichichi Trophy Ee La Siiyo Gooldhaliyha Ugu Sareeya La Liga Soona Barbareeyay Rikoorka CR7.

0
Monday May 22, 2017 - 14:51:40 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo Ku Guuleysta Abaalmarinta Pichichi Trophy Ee La Siiyo Gooldhaliyha Ugu Sareeya La Liga Soona Barbareeyay Rikoorka CR7.

    Lionel Messi Oo Ku Guuleysta Abaalmarinta Pichichi Trophy Ee La Siiyo Gooldhaliyha Ugu Sareeya La Liga Soona Barbareeyay Rikoorka CR7. Lionel Messi ayaa hantay abaalmarinta Pichichi Trophy ee la gudoonsiiyo xidiga dhaliya goolasha ugu badan hal xill

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi Oo Ku Guuleysta Abaalmarinta Pichichi Trophy Ee La Siiyo Gooldhaliyha Ugu Sareeya La Liga Soona Barbareeyay Rikoorka CR7. Lionel Messi ayaa hantay abaalmarinta Pichichi Trophy ee la gudoonsiiyo xidiga dhaliya goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed horyaalka La Liga isagoo ku garaacay xidig walba oo kale.
Kabtanka Argentina 37-gool ayuu shabaqa ku shubay taasoo ka dhigan inuu 8-gool ka sareeyo Luis Suarez oo kusoo xigay ahaana xidigii hantay abaalmarintaan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kalana Cristiano Ronaldo ayaa soo tiigsaday boosk 3-aad kaas oo dhaliyay 25-gool.

Waa markii afaraad oo uu ku guuleysto kabta dahabka gooldhalinta La Liga, isagoo horay usoo hantay 2009/2010, 2011/2012 iyo 2012/2013 .

Sidoo kale Lionel Messi wuxuu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Golden Shoe ee la siiyo xidiga ugu badan ee goolal dhaliyay horyaalada yurub iyadoo la xisaabinayo dhanka dhibcaha – waxaana usoo dhawaadayBas Dost oo 34-gool dhaliyay iyoPierre-Emerick Aubameyang oo 31-gool dhaliyay.

Si kastaba Lionel Messi wuxuu barbareeyay rikoor uu Ronaldo horay u dhigay kaas oo ahaa inuu afar jeer ku guuleystay afar jeer gooldhalinta horyaalada yurub – 3-jeer Madrid ayuu ku qaaday halka hal jeer uu ku qaaday Manchester United.