"Kolka Dhinaca Qaanuunka iyo Dhinaca Siyaasadda Laga Hadlo, Somaliland Kumay Darsamin.."Proff Buubaa Oo Sharraxay Midawgii Somaliland iyo Somalia

0
Wednesday May 24, 2017 - 09:33:23 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kolka Dhinaca Qaanuunka iyo Dhinaca Siyaasadda Laga Hadlo, Somaliland Kumay Darsamin.."Proff Buubaa Oo Sharraxay Midawgii Somaliland iyo Somalia

    Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Tafsiir Ka Bixiyey Midawgii Somaliland iyo Somalia, Si Furan U Sharraxay Halka Uu Ka Qallooco Wadahadalka Labada Dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Tafsiir Ka Bixiyey Midawgii Somaliland iyo Somalia, Si Furan U Sharraxay Halka Uu Ka Qallooco Wadahadalka Labada Dal

Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa si furan uga hadlay wadahadalka Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay inuu meel khaldan ka bilaabmay.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay inay Somaliland iyo Somalia wakhtigii midawga ka hor mid waliba u magac lahaa, balse markii la midoobay lagu heshiiyey magaca "jamhuuriyadda soomaaliyeed”. waxaana uu xusay in haddii labada dhinac mid ka mid ahi uu heshiiska ka baxo ay labada dhinacba magacoodii gaarka ahaa ku noqonayaan, waxaana uu sheegay in marka taas la isla qiro uu bilaabmi karo wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Sidoo kale Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu si kooban uga hadlay hanaankii ay u midoobeen Somaliland iyo Somalia, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

"Kolka dhinaca qaanuunka iyo dhinaca sayaasadda laga hadlo, Somaliland kumay darsamin Somalia 1960kii, Somaliyana kumay darsamin Somaliland 1960kii. Way isku darsameen oo waxay ku heshiiyeen inay la baxaan magac cusub oo la yidhaahdo "Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”. Teedii ka baxda magacaa lagu heshiiyey ee dib ugu noqota magaceedii hore, heshiiskii way ka baxay. Wadciga siyaasiga ah ee Somaliland iyo Somaliya maanta taaganyihiin waa kaas. Labaduba magacii lagu heshiiyey ee "Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” way ka baxeen. Somalia magaceedii bay ku noqotay, Somalilandna magaceedii bay ku noqotay. Kolka halkaa la is dultaago ayuu wadahadalku fumikaraa, haddi Alle idmo.