Tartan Aqooneed Lagu Soo Gabagabeeyay Iskuulka Al-Irshaad Ee Magaalada Burao Iyo Koob Aqooneed Lagu Maamusay Ardayda Iskuulka.

0
Wednesday May 24, 2017 - 15:38:26 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan Aqooneed Lagu Soo Gabagabeeyay Iskuulka Al-Irshaad Ee Magaalada Burao Iyo Koob Aqooneed Lagu Maamusay Ardayda Iskuulka.

    Burco(AFKA);Dugsiga Hoose Iyo Dhexe Ee Al Irshaad Ee Magalada Burco Ayaa Maalmahi Udanbeeyay Tartan Aqoneed Kor Lagu Qaadayo Tayada Aqoneed Ee Ardayda Dugsigaasi Wax Ka Barta Ka Waday Gudaha Dugsigaasi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Dugsiga Hoose Iyo Dhexe Ee Al Irshaad Ee Magalada Burco Ayaa Maalmahi Udanbeeyay Tartan Aqoneed Kor Lagu Qaadayo Tayada Aqoneed Ee Ardayda Dugsigaasi Wax Ka Barta Ka Waday Gudaha Dugsigaasi,
Tartankan Oo Ku Loolamayeen Fasalada Kowaad Ila Fasalada Sideedaad Ayaa Lagu Tartamayay Manhajka Waxbarasho Ee Dalka,Taaso U Muqato Talaabo Lagu Hormarinayo Tayada Ardayda Wax Ka Barata Dugsiga Al Irshaad Ee Magalada Burco. Munaasibad Baladhan Oo Loo Qabtay Soo Gunaanadka Tartan Aqooneedkan Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Waladiin,Ardayda,Macalin,Masuuliyin Ka Socday Wasarada Waxbarashada Burco Iyo Marti Sharaf Kale, Munaasibadani Oo Dulucdeedu Ahayd Abaalmarinta Fasaladda Kaalmaha Hore Ka Galay Tartan Aqoonedkani Oo Ku Cusub Nidaamka Waxbarasho Ee Dugsiyada Hoose Dhexe Ee Gobolka Togdheer. Waxana Ugu Horayntii Daahfuray Munaasibadani Maamulaha Guud Ee Al Irshaad Macalin Maxamud Oo Ku Dheeraday Muhinada Ay Tartanku Uleedahay Kaabida Aqoonta Ardayda Wax Ka Barta Dugsigaasi Sidoo Kalana Hanbalyo Iyo Bogaadin U Diray Fasalka Afaraad Oo Kaalinta Kowaad Ka Galay Tartankaasi. Waxa Iyaguna Munaasibadani Ka Hadlay Siciid Cali Oo Ka Mida Ahaa Walaadinta Ay U Dhigtaan Ubadkiisa Iskuulka Al Irshaad Waxana Uu Ku Tilmaamay Tartankani Inuu Ahaa Mid Ay Ku Faidayaan Ardaydana Kuna Sheegay Talaabo Ay Kaga Duwanyihiin Iskullada Dhigooda Ah. Ugu Danbayntii Waxa Soo Afmeeray Mubaasibadani Kormare Ka Socday Wasarada Waxbarashada Oo Hanbalyo Iyo Bogaadin Isku Daray Macalimiinta Iskuulka Iyo Arydada Gar Ahaan Fasalada Kaalmaha Hore Ka Galay Gabagadiina Waxaa Abaalmarino Kale Duwan Lagu Taxay Fasaladii Kaalmaha Hore Ka Galay Tartan Aqooneedkan Maalmihi Udanbeeyay Ka Soconayay Iskulkani.