Millatariga Maraykanka Oo Waayay Hub Qiimihiisu Ahaa Hal Bilyan Oo Dollar.

0
Friday May 26, 2017 - 13:45:36 in by Super Admin
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Millatariga Maraykanka Oo Waayay Hub Qiimihiisu Ahaa Hal Bilyan Oo Dollar.

    Warbixin ay soo saartay hay'ada Xaquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa looga hadlay hub aad u badan oo la sheegay in militariga Maraykanka geeyey dalalka Ciraaq iyo Kuwait la waayey meeshii ay ku danbeeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin ay soo saartay hay'ada Xaquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa looga hadlay hub aad u badan oo la sheegay in militariga Maraykanka geeyey dalalka Ciraaq iyo Kuwait la waayey meeshii ay ku danbeeyeen.


Xogtan ayey Amnesty kasoo xigatay diiwaanka Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka oo arrintan baaritaan ku waday sanadkii lasoo dhaafay 2016.

US-Hubka-Lumay2

Amnesty ayaa ku caadaadisay dowlada Maraykanka inay xogtan fasaxaan sida uu qabo sharciga wadankaasi ee [Freedom of Information]
Hubkan ayaa la sheegay inay isugu jiraan hubka fudud iyo kuwa culus oo ay ku jiraan hoobiyayaal iyo gaadiid militari oo uu Maraykanka geeyey dalka Ciraaq si loogu tababaro ama loogu kabo xoogaga dowlada Ciraaq iyo ciidamada Kurdida.
Warbixintan ayaa diirada saareysay in dowladaha waaweyn ee caalamka ee hubka soo saara ay laftooda qeyb ka yihiin hubka faraha badan ee lagu geysto danbiyada caalamka ka dhaca.
Xogtan horey sirta u ahayd ayey ka muuqatay in Militariga Maraykanka diiwaankiisa hubka gacantooda kujira gaar ahaan kuwa la geeyo dalalka ay dagaalada ka socdaan uu yahay mid khaladaad badan ku jiraan sababna u ah in la waayo meeshii ay ku danbeeyeen hubkaasi oo qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan 1.6 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.
Amnesty ayaa walaac ka muujisay in qeyb kamid ah hubkaasi laga yaabo inay gacanta u gasho kooxaha xagjirka ah sida Daacishta ka dagaalameysa Ciraaq iyo Siiriya.