Jabhadii Ka Dagaalamaysay Dalka Liibiya Oo Shaaciyey Inay Burbureen Iyo Sababaha Keenay

0
Sunday May 28, 2017 - 12:12:12 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadii Ka Dagaalamaysay Dalka Liibiya Oo Shaaciyey Inay Burbureen Iyo Sababaha Keenay

    Ururka ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya - kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo inuu ka dambeeyay weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka Amerikaanka ee Benghazi - ayaa sheegay inay burureen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya - kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo inuu ka dambeeyay weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka Amerikaanka ee Benghazi - ayaa sheegay inay burureen.

Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu kasoo gaaray dagaaladda, isla markaana la laayay hogaankiisa.Ururka Ansaar al-Shariica ayaa la dagaalamayay ciidanka isku tilmaamay inuu yahay xoogga qaranka Liibiya, oo saldhigyada ku leh bariga dalkaasi kaas oo uu abaanduule u yahay Khaliifa Xaftar.

Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ururrada Islaamiyiinta ah in ay u midoobaan dagaalka Benghazi.

Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Maxamed Azahawi,


ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Benghazi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar.

 

Jenaraalka oo ka dagaallama bariga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.

Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahannada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Liibiya.

Jabhadaasi ayaa markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, waxa ay la wareegtay saldhigyadii ciidan ee ku yaallay Benghazi, waxaana ay ka dhigtay goobo lagu tababaro kumannaan dagaalyahan oo intooda badan markii dambe aaday Ciraaq iyo Suuriya.

 

 

Source:-BBCsomali