Madaxweyne Putin oo booqanaya Paris

0
Monday May 29, 2017 - 10:28:17 in by Burco Office
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Putin oo booqanaya Paris

    Madaxweyne Putin oo booqanaya Paris

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Putin oo booqanaya Paris

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa lagu wadaa inuu dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ku martigeliyo meel u dhaw magaalada Paris xilli dambe oo maanta ah.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ay yeelanayaan labada mas'uul tan iyo markii bilowgii bishan la doortay Mr Marcon.

Intii uu socday ololaha doorashada ayuu madaxweynaha Ruushka martigeliyay hogaamiyaha midigta fog ee Faransiiska ee Marine Le Pen, halka kooxda Mr Macron ay Ruushka ku eedaysay inay ku soo qaadeen weerraro dhanka internetka ah oo soo laablaabtay.

Paris iyo Moscow ayaa muddo dheer ku kala aragti duwanaa arimo ay ka mid yihiin qaabka loo xallin karo colaadda Suuriya, iyo qabsashada Ruushka ee gobolka Crimea.

Balse kulanka labada hogaamiye oo lagu tilmaamay mid isbarasha ah, ayaa dhanka kale waxa uu u muuqdaa mid sirgaxan, ka dib markii Ruushka uu sida muuqata taageeray haweeneydii doorashada madaxtinnimo kula tartantay Emmanuel Macron.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska ayaa muujiyay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho Putin iyo in bilow cusub.

Haseyeeshee martiqaadka uu Macron u sameeyay madaxweyne Putin, ayaa waxaan ku jirin casho sharafta madaxda caalamka loogu sameeyo madaxtooyadda Faransiiska.

Taa bedelkeeda waxa ay labada hogaamiye ku wada qadeyn doonaan Versailles, halkaasi oo madaxweynaha Ruushka uu xariga ka jari doono bandhig ku saabsan xiriirka diblomaasi ee labada dal.