Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Maraykanka

0
Monday May 29, 2017 - 10:32:39 in by Burco Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Maraykanka

    Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Maraykanka

Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.

Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.

Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xireen subaxnimadii Axadda.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in aysan wali sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.

Godbolt soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye xigeen booliis ah ayaa maydkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.

Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay maydka labo dumar ah oo da'yar, sida ay booliisku sheegeen.

Goobta saddexaad ee ay toogashadu ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay.

Saxafi deegaankaas ku sugan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay middii u xumayd ee waligeed ka dhacda deegaanka Lincoln.Lahaanshaha sawirkaTHERESE APEL – THE CLARION-LEDGER
Image captionSaxafi deegaankaas ku sugan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay middii u xumayd ee waligeed ka dhacda deegaanka Lincoln.
Sawir horay looga qaaday William Durr oo ah sarkaalka booliiska ah ee la dilayLahaanshaha sawirkaTHE DAILY LEADER
Image captionSawir horay looga qaaday William Durr oo ah sarkaalka booliiska ah ee la dilay
Map