Madaxii Hore Ee FBI-da Maraykanka Oo Sheegay Inuu Donal Trump Ka Codsaday Inuu Isaga Daacad U Ahaado.

0
Friday June 09, 2017 - 13:35:00 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Hore Ee FBI-da Maraykanka Oo Sheegay Inuu Donal Trump Ka Codsaday Inuu Isaga Daacad U Ahaado.

    (AFKA-Washington)-Agaasimihii FBI-da ee shaqada laga eryey James Comey ayaa xubnaha senate-ka Mareykanka u sheegay in madaxweyne Trump uu ka doonayey inuu daacad u noqdo, islamarkaana joojiyo baadhitaanka lagu hayo xidhiidhka kaaliyayaashiisa iyo sar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(AFKA-Washington)-Agaasimihii FBI-da ee shaqada laga eryey James Comey ayaa xubnaha senate-ka Mareykanka u sheegay in madaxweyne Trump uu ka doonayey inuu daacad u noqdo, islamarkaana joojiyo baadhitaanka lagu hayo xidhiidhka kaaliyayaashiisa iyo saraakiisha Ruushka.


Trump ayaa shaqada ka eryey Comey bishii tagtay, isaga oo sheegay inuu maskaxda ku hayey "arrinta Ruushka” markii uu gaadhayay go’aanka uu ku caydhinayo Comey oo hogaaminayey baadhitaanka Ruushka.

2E42ACB2-D882-4636-A2A6-7D62868CCACC_w1023_r1_s
Comey ayaa sharci dejiyayaasha u sheegay inuu aad ugu weeraray sharaxaadaha kala duwan ee Trump iyo kaaliyayaashiisa ay ka bixiyeen ceydhintiisa, isaga oo yidhi "Waxay doorteen inay sumcadeyda waxyeeleeyaan”.
Comey ayaa sheegay kulan isaga iyo Trump ku dhex maray Aqalka Cad uu madaxweynaha ku yidhi "Waxaan u baahanahay daacadnimo, waxaan filayaa daacdnimo.”
Comey ayaa yidhi "Markaas kadib ma dhaqaaqin, ma hadlin, mana bedelin shucuurta wejigeyga, waan aamusay kadibna innaga oo aamusan ayaan is eegnay.”
Comey ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kulan uu Trump la yeeshay 14-kii Febraayo uu kaga codsaday "inuu iska daayo” baadhitaanka Michael Flynn, oo ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Trump.