Xulufada Sucuudigu Hoggaamiyo Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Donald Trump Uu Ku Weeraray Dalka Qatar.

0
Sunday June 11, 2017 - 12:25:03 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulufada Sucuudigu Hoggaamiyo Oo Soo Dhaweeyey Hadalkii Donald Trump Uu Ku Weeraray Dalka Qatar.

    Suucudiga(AFKA);Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda ayaa soo dhaweeyey dalabkii Madaxweyne Trump ee ahaa in Qatar joojiso taageeridda argagixisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suucudiga(AFKA);Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda ayaa soo dhaweeyey dalabkii Madaxweyne Trump ee ahaa in Qatar joojiso taageeridda argagixisada.

Laakiin waxay iska dhego tireen baaq kale oo ka soo yeedhay wasiirka arimaha dibadda Maraykanka oo ahaa in ay debciyaan go’doominta dhaqaale ee ay saareen Qatar.

Wasiir arimaha dibadda Maraykanka,Rex Tillerson, ayaa sheegay in go’oomintaasi yeelanayso cawaaqib aadamenimo, isla markaana ay dabrayso gulufka Maraykanku hogaaminayo ee lagu hayo kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Jimcihii ayaa Madaxweyne Trump ku eedeeyey Qatar in ay "gacan weyn” siiso argagixisada. Haseyeeshee Qatar way beenisay eedaymahaa, waxaanay wasiirkeeda arimaha dibadda ugu dirtay socdaal uu ku soo marayo xarumaha Yurub si uu taageero ugu helo mawqifkeeda.