Tirada Diyaarado Caawa Fasax Laaan ku Dul Maray Hawadda Somaliland Oo Laga Leeyahay Waddanka Qatar
Hawadda sarre ee Somaliland waxa muddo saacad ka yar oo u dhaxaysay 12:30 illaa 1:15 habeenimo, waxa ina dul maray diyaarado badan oo laga leeyahay waddanka Qatar ee dalalka carabtu cilaaqaadkii u jareen oo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland-na ay Sabtidii toddobaadkan shaacisay inay taageersan tahay mowqifka lagu cunoqabateynayo waddankaas.
"1 bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somaliland ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.Dawladda Somaliland waxay soo saartay saddexdan qodob:-
3. Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-bannaan tahay cirkeeda, dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho ciddi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.”
u dhabogashay diyaaradaha hawadeenna ku jiray markaas, waxaa marayay afar diyaaradood oo laga leeyahay waddanka Qatar oo duulimaadkoodu kala ahaa sidan:-
QTR-1331 oo ka timmi Doha kuna sii jiiday Khartuun
QTR-1408 – oo ka soo kicitintay Los Angles Maraykanka, una socotay Doha
QTR-1360 waxay ka timid Johannesburg waxaanay u socotay Doha
QTR-1438 waxay ka timi Jabuuti, Itoobiya waxaanay ku socotaa Doha.
Sidaas darteed, waxa is weydiin muddan dhawaaqii dawladda Somaliland maxaa biyo col dhaanshay ka dhigay oo waxa aanay tahli Karin oo aanay inkaaniyaadkii ay kula socon lahayd haysan ay warbaahinta iyo adduunka u maqashiisay.
Tirada Diyaarado Caawa Fasax Laaan ku Dul Maray Hawadda Somaliland Oo Laga Leeyahay Waddanka Qatar
Tirada Diyaarado Caawa Fasax Laaan ku Dul Maray Hawadda Somaliland Oo Laga Leeyahay Waddanka Qatar