Ra'iisal Wasaare Kheyre Oo U Anbabaxay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo U Jeedada Safarkiisa.

0
Monday June 12, 2017 - 13:22:50 in by Burco Office
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Kheyre Oo U Anbabaxay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo U Jeedada Safarkiisa.

    Ra'iisal Wasaare Kheyre Oo U Anbabaxay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo U Jeedada Safarkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare Kheyre Oo U Anbabaxay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo U Jeedada Safarkiisa.

Ra'iisal Wasaare Kheyre Oo U Anbabaxay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo U Jeedada Safarkiisa.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw u anbabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyaga oo halkaa uga qeybgali doona shirka urur gobolleedka IGAD oo maanta furmaya.

Ra’iisal wasaarhaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, waxaaa uu safarkan noqonayaa kii Labaad ee uu dalka uga anbabaxo tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka IGAD ee maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirka uu maanta ayaa horay waxaa u iclaamiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in xaalad adag ay ka jirto dalka Koonfurta Suudaan.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhexmaray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.