Wadahadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya

0
Monday June 19, 2017 - 11:13:48 in by Burco Office
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya

    Wadahadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadahadalka Britain iyo Yurub oo maanta furmaya

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Brussels ka furmaya shirkii ugu horreeyay ee dalka Britain uu rasmi ahaan kaga baxayo ururka MIdowga Yurub. Waxaa kulankaas ka qayb gelaya wasiirka dowladda UK u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub iyo wakiilka Midowga Yurub u xilsaarteen wada xaajoodka labada dhinac.

Wada xaajoodka rasmiga ah ee ka bixidda Midowga Yurub waxaa marka ugu horreysa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan sidii dalka UK uu uga guuri lahaa ururka Midowga Yurub, sida uu sheegay ururkaasi inuu jecel yahay inay u dhacaan wada xaajoodyadu iyadoo xiriirka mustaqbalka ee labada dhinac lagaga hadli doono kulammada dambe.

Waaxda dalka Britain u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub waxay sheegtay inay weli ku dheggan tahay aragtida ah in la isku barbar wado bixitaanka iyo xiriirka mustaqbalka sida uu noqonayo.

Ra'iisul wasaare Theresa May iyo madaxa guddiga Yurub, Donald Tusk oo kulan ku yeeshay London horaanti sanadkanLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionRa'iisul wasaare Theresa May iyo madaxa guddiga Yurub, Donald Tusk oo kulan ku yeeshay London horaanti sanadkan

Wada hadalka maanta ka dhacaya Brussels waa kan keliya ee toddobaadkan la isugu imanayo, iyadoo wada hadallada loogu talagalay in la qabto bil walba inta lagu jiro xilligan kulaylaha oo dhan.

Midowga Yurub waxay sheegeen in loo baahan yahay in arrimaha kala bixidda sida xuquuqda muwaadiniinta iyo waajibaadka maaliyadeed ee dalka UK laga rabo inuu bixiyo lagaga doodo qaybta 1aad ee wada hadallada xiriirka ah.

Hase yeeshee wasiirka maaliyadda ee Britain, Philip Hammond, waxaa uu BBC-da u sheegay in loo baahan yahay in UK ay xoogga saarto ilaalinta shaqooyinka, koritaanka dhaqaalaha iyo barwaaqada dalka.

Midowga Yurub waxay rajeynaysaa in wixii heshiis ganacsi ku saabsan laga wada hadlo bisha Oktoobar haddii horumar laga gaaro kala bixidda.

Wada hadallada maanta Brussels ku dhexmaraya wasiirka Britain ee ka bixidda EU, David Davis iyo wakiilka ururkaas u qaabilsan wada xaajoodka, Michel Barnier, waxay la xiriiraan kulan hordhac ahaa oo saraakiil labada dhinac ku dhexmaray Brussels.