Ruushka iyo Maraykanka oo isku khilaafsan hawada Suuriya

0
Tuesday June 20, 2017 - 10:46:35 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka iyo Maraykanka oo isku khilaafsan hawada Suuriya

    Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka uu is difaaci doono ka dib markii Ruushka uu ku dhawaaqay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka uu is difaaci doono ka dib markii Ruushka uu ku dhawaaqay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda.

Ruushka ayaa ka caroodey diyaarad nooca dagaalka ah oo Suuriya lahayd oo Mareykanku uu soo ridey .

Ruushku waxaa kale oo uu sheegey in dhamaan uu joojinayo wadashaqayntii uu la lahaa Mareykanka ee ka hortaga shilalka hawada Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u sheegay Maraykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida dhuleed ee Suuriya, ayna ka fogaadaan tallaabo hal dhinac ah.

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaraddaasi la riday ay duqeysay jabhad la dagaalanto kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMaraykanka ayaa sheegay in diyaaraddaasi la riday ay duqeysay jabhad la dagaalanto kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii maalintii axada ay soo rideen xullafada Maraykanka diyaarad dagaal oo dowladda Suuriya ay leedahay.

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaraddaasi la riday ay duqeysay jabhad la dagaalanto kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.


Xigasho/BBC Somali