Madaxweynaha Soomaaliya Oo Saaka Ku Sii Jeeda Magaalada Kampala Ee Dalka Uganda

0
Wednesday June 21, 2017 - 13:58:33 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Saaka Ku Sii Jeeda Magaalada Kampala Ee Dalka Uganda

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho ku tagaan Kampala ee dalka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho ku tagaan Kampala ee dalka Uganda.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo aheyd mid horay loo sii shaaciyay, kana mid aheyd booqashooyinka rasmiga ee Xafiiska Madaxweynaha loo soo diray, ayaa timid kaddib markii uu casuumaad uu ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal, siyaasada, ammaanka, iyadoo Uganda ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Uganda ayaa noqoneysa tii afaraad oo uu ku tago wadamada gobolka, isagoo horay u booqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa sannadkii 2011, isagoo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare inuu Kampala u tagay heshiiskii la magac baxay Kampala Accord ee sababta u ahaa inuu is casilo, kaddib markii ay is qabteen madaxdii xilligaas, iyadoo dowladda Uganda ay soo faro-gelisay khilaafkaas.

Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee ciidamo nabad ilaalin u soo dira Soomaaliya, sidoo kale waa dalka ugu badan ee Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya