Baarlamaanka Koonfur Afrika Oo Codka Kalsoonida U Qaadaya Madaxweynaha Iyo Muran Ka Taagan Habka Codaynta

0
Friday June 23, 2017 - 10:54:40 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Koonfur Afrika Oo Codka Kalsoonida U Qaadaya Madaxweynaha Iyo Muran Ka Taagan Habka Codaynta

    Konfur Afrika(AFKA)Maxkamada dastuurka ee dalka Koonfur Africa ayaa go'aaamisay in gudoomiyaha baarlamaanka ay awood u leedahay in ay go'aan ka gaadho in mooshinka kalsooni kala-noqoshada madaxwayne Jacob Zuma codaynta loo dhiibanayo si qar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Konfur Afrika(AFKA)Maxkamada dastuurka ee dalka Koonfur Africa ayaa go'aaamisay in gudoomiyaha baarlamaanka ay awood u leedahay in ay go'aan ka gaadho in mooshinka kalsooni kala-noqoshada madaxwayne Jacob Zuma codaynta loo dhiibanayo si qarsoodi ah iyo in kale.

Gudoomiyaha barlamaanka ayaa horay u sheegtay inaysan lahayn awood ay mooshinka go'aan kaga gaartoMaxkamada dastuuriga ayaa sheegtay in afhayeenka baarlamaanka ay xaq u leedahay in ay amarto tilaabadasi. Waxa ay sheegtay in xeerka baarlamaanka aysan ka mid ahayn arintani.

Mucaaradka ayaa waxa ay ku baaqeen in codadka loo dhiibto si qarsoodi ah ,balse waxaa arintaasi diiday gudoomiyaha baarlamaanka Baleka Mbete oo qudheeda ka mid ah


saraakiisha sarsare ee xisbiga ANC.

 

Mr Zuma ayaa waxa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa tiro fadeexado musuqmaasuq ah ,hasa yeeshee waxa uu ka badbaaday dhowr jeer oo loo qaaday codka kalsooni kala noqoshada

Bilihii aynu soo dhaafnaya Madaxweyna Zuma ayaa cadaadis weyn oo dhanka siyaasadda wajahayay, iyadoo hogaamiyayaasha mucaraadka, ururada shaqaalaha, kooxaha diimaha iyo bulshada rayidka ah ay bilaabeen isbahaysi cusub oo ay ku khasbayaan Madaxweyne Zuma inuu xilka ka dego.

Isbahaysigan oo isku sheegay dhaqdhaqaaqa xoriyadda waxaa taageeray baadariga weyn ee Desmond Tutu.

 

 

Source:-BBCsomali