"Dhakhtar Aan Caddaan Ahayn Wiilkayga Uma Ogoli" Haweenay Reer Canada Ah

0
Monday June 26, 2017 - 10:37:52 in by Burco Office
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhakhtar Aan Caddaan Ahayn Wiilkayga Uma Ogoli" Haweenay Reer Canada Ah

    "Dhakhtar Aan Caddaan Ahayn Wiilkayga Uma Ogoli" Haweenay Reer Canada Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhakhtar Aan Caddaan Ahayn Wiilkayga Uma Ogoli" Haweenay Reer Canada Ah

Muuqaal muujinaya haweenay Waddanka Kanada (Canada) joogto oo dalbanaysa in wiilkeeda uu u daweeyo "dhakhtar caddaan ah” ayay dadku aad isula wadaageen.


Muuqaalka oo laga dhexduubay isbitaal ku yaalla Mississauga, Ontario ayaa la arki karaa haweenayda oo leh wiilkayga luqunta ayaa laga hayaa, haddallo cunsurinimo ahna kula hadlaysa shaqaalaha.

Markii haweenayda loo sheegay in uusan joojin dhakhtar carruurta ku takhasusay oo caddaan ah ayayna xanaaqday.

Muuqaalka oo afar daqiiqo ah ayaa si cad looga dhex maqli karaa iyada oo ku celcelinaysa in wiilkeeda uu u daweeyo dakhtar caddaan ah, isla markaasna aysan rabin dhakhtar ilko bunni ah leh.

Shaqaalihii isbitaalka ayaana ugu celiyay isla hadalkii hore iyo in aysan macquul ahayn in loo helo dakhtar caafimaadka carruurta ku takhasuyay oo caddaan ah shaqadana ku jira.

Haweenay kale oo aan shaqaalaha ka mid ahayn ayaa iyadana la hadashay oo ku tiri "Waxaa cad in xannuunka uu wiilkaagu qabo si uu dhakhtar u daweeyo ay uga daran tahay in aad adigu hooyadii tahay, qof qaab daran oo cunsiri ah ayaadna tahay.

Isbitaalka ay arrintu ka dhacdayLahaanshaha sawirka.

Hitesh Bhardwaj oo muuqaalkan duubay ayaa warbaahinta CBC News u sheegay in sababta ku qaaday in uu duubo muuqaalkan ay tahay in uu aad ula yaabay.

Wuxuu sheegay "in ay tahay arrin aan munaasab ahayn oo xun, aysan ahaynna in arrintaas sidaa lagaga gudbo iyadoo aysan dadku ogaanin.”