Dawladda Qatar Oo Gollaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Codsatay In Xal Loo Helo Xiisadda Dalalka Khaliijka.

0
Sunday July 02, 2017 - 09:55:24 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Qatar Oo Gollaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Codsatay In Xal Loo Helo Xiisadda Dalalka Khaliijka.

    Dawladda Qatar Oo Gollaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Codsatay In Xal Loo Helo Xiisadda Dalalka Khaliijka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Qatar Oo Gollaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ka Codsatay In Xal Loo Helo Xiisadda Dalalka Khaliijka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa ka Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa la kulmay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada, isagoo kala hadlay xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka.


Mr Al Thani ayaa weydiistay xubnaha Golaha Ammaanka in Sacuudiga ka dalbadaan inay qaadaan xayiraada ay saareen Qatar, taasoo haatan ku dhow muddo bil ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in xal loo helo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka, waxaa uu u jeediyay inaygolaha ammaanka ka dalbadaan Wadamada Sacuudiga uu hogaaminayo ka laabashada xiriir u jaridii Qatar.

Mr Al Thani oo la hadlay TV-ga Aljazeera ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uu u gudbiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Qatar, isagoo sheegay inay dhamaantood ka codsadaan in Qatar laga qaado Cunuqabateynta dadban ee saaran.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay isku dayeyso inay ku dhiiri geliso dhamaan dhinacyada Qatar mucaaradsan inay ka qeyb qaataan wadahadal dhab ah, lana dhameeyo xiisada taagan, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibadda Qatar.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa 5-tii bishii June xiriirka u jaray dowladda Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto ururo argagixiso, inkastoo dowladda Qatar ay beenisay eedeymahaas.

Labo todobaad kadib ayaa dalalkan waxay Qatar ka dalbadeen inay fuliso 13 qodob oo shuruudo ahaa, kaasoo Qatar looga dalbaday inay ku fuliso 10 maalmood, hadii ay rabto in xayiraada laga qaado, waxaa ka mid ah qodobadaas inay xirto Telefishinka Al Jazeera, inay xirto Saldhiga Milateri ee Turkiga ka furtay Qatar, iyo in xiriirka loo jaro Iiraan iyo lacago ganaax aan cadadkeeda la sheegin.

Xiisada siyaasadeed ee xilligan u dhaxeysa dalalka Khaliijka ayaa la sheegay inay tahay tii ugu weyneyd ee soo marta muddo Nus qarni ku dhow.