HADRAAWI Oo Caalamka Looga Aqoonsaday Ninka Ugu Suugaanta Weyn Soomaalida.

0
Wednesday July 05, 2017 - 11:39:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADRAAWI Oo Caalamka Looga Aqoonsaday Ninka Ugu Suugaanta Weyn Soomaalida.

    Hargeysa(AFKA)-Wariyaha Idaacadda BBC-da u qaabilsan arrimaha Afrika Mary Harper ayaa la kulantay abwaanka suugaantiisa loogu jecelyahay dhulka soomaalida guud ahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)-Wariyaha Idaacadda BBC-da u qaabilsan arrimaha Afrika Mary Harper ayaa la kulantay abwaanka suugaantiisa loogu jecelyahay dhulka soomaalida guud ahaan.

Magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, qof waliba wuu garanayaa qofka ugu caansan suugaan ahaan waddanka- (waa Hadraawi), waxaanay ugu yeedheen Shakespear soomaalida, 50-kii sano ee ugu dambeeyey wuxuu shaqadiisii ku bixiyey inuu u hadlo dadka soomaalida nabadooda, jacaylkooda, xorriyadooda iyo cadaaladooda.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, waa muraayad laga dhex arko dhamaan dhinacyada nolosha, arrimaha bulshada, siyaasadda, jacaylka, nabadda iyo jabkii umadda soomaalida. Sannadkii 1943-kii ayuu ka dhashay qoys reer miyi ah oo geela dhaqda, horaantii 1973 ayaa la xidhay kadib markii lagu eedeeyey inuu ku kacay ficillo ka dhan ah dawladdii kacaanka iyadoo aan Maxkamad la soo taagin, Maadaama uu ololeeyey u ahaa nabadda suugaanta abwaan Hadraawi waxa lagu xusay taariikhda cusub ee Somalia.

Iminka waa 70 jir, kulanka Hadraawi ee gurigiisa Somaliland ayaa imanaya roobkii ugu horeeyey kadib saddex sano oo abaaro xun soo mareen. Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa si dhif ah looga arkaa caalamka maadaama rabshada iyo qalaalasaha ka socda koonfurta Somalia uu dheeraaday, isla markaana ay qariyeen. Hase yeeshee Marry Harper ayaa 25 sano oo ay uga soo waramaysay BBC-da waxna ka qoraysay aqoon iyo jacayl ba ka baratay. waa waddanka abwaanada, halkaas oo ay suugaantu si qoto dheer ugu lamaan tahay nolol maalmeedka qof kasta.