Xubin Ka Tirsan Hay'adda Xuquul Iinsaanka ee Amnesty International Oo Turkiga Lagu Xidhay.

0
Friday July 07, 2017 - 14:02:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin Ka Tirsan Hay'adda Xuquul Iinsaanka ee Amnesty International Oo Turkiga Lagu Xidhay.

    Turkey(AFKA);-Hay'adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa xadhigga xubin sare oo ka tirsan hay'addaasi ku tilmaantay ku tagrifal awoodeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkey(AFKA);-Hay'adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa xadhigga xubin sare oo ka tirsan hay'addaasi ku tilmaantay ku tagrifal awoodeed.


Agaasimaha Amnesty ee dalka Turkiga, Idil Eser, iyo siddeed qof oo kale ayaa laga qabtay hoteel ku yaala meel u dhow magaalada Istaanbuul halkaasi oo ay tababar ku bixinayeen.

Xoghayaha guud ee Amnesty, Salil Shetty, ayaa BBC-da u sheegay in aysan macquul ahayn in Idil Eser ama xubnaha kale ee lala qabtay lagu eedeeyo in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah ee hubeysan, arrintaa oo ah waxa loo haysto.
Shetty ayaa sidoo kale beeniyay in xubnahaasi la xiray ay wax xiriir ah la leeyihiin wadaadka lagu magacaabo Fatxullah Guleen oo xukuumadda Ankara ay ku eedeysay inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii hore.
Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xarigga xubnahaasi ka tirsan Amnesty.
Guddoomiyaha Amnesty International ee dalka Turkiga Taner Kilic, ayaa bishii la soo dhaafay xabsi lagu xukumay, isaga oo lagu eedeeyay in uu xubin ka yahay hay’ad argagixiso ah.