Itoobiya Oo Ka Digtay In Khilaafka Khaliijku Uu Daganaansho La Aan Ka Abuuro Geeska Afrika

0
Saturday July 08, 2017 - 11:50:30 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Ka Digtay In Khilaafka Khaliijku Uu Daganaansho La Aan Ka Abuuro Geeska Afrika

    Ra'iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijku uu degenaansho la'aan u keenayo Geeska Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijku uu degenaansho la'aan u keenayo Geeska Afrika.
Isaga oo baarlamaanka u jeedinaya khudbad laga baahiyay telefishinka dawladda ee EBC, ayuu Hailemariam sheegay in Itoobiya ay rajaynayso in muranka lagu dhameeyo wada xaajood, isaga oo sheegay "in aysan su’aal ka taagnayn” in ay Itoobiya saamayn wayn ku yeelan doonto haddii uu gobolko qasmo.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalada ay Kuwayd ku doonayso in ay ku xaliso khilaafka.

Dalalka Geeska Afrika ayaa taariikh ahaan calaaqaad dhaqaale, mid milatari iyo mid siyaasadeedba la leh dalalka Khaliijka.

Waxaa sidoo kale gobolka mara Badda Cas, oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay sii maraan maraakiibka shidaalka ka qaada Khaliijka ee u socda Yurub.

Bishii hore ayay ahayd markii ay Qadar ciidammadeeda kala baxday xuduudda lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Eritrea iyo Jibuuti, arrintaas oo ay u badan tahay in ay sababtay ka dib markii ay dalalkani la safteen Sacuudiga markii uu soo if baxay khilaafka Qadar.


 

Source:Hubaal