Weftigii Xisbiga WADDANI ee Burco ku sugnaa oo maanta Bookhday Maktabadda HALKARAAN + Dhirigelintii Gudomiye Cirro siiyey Dhalinyarada+SAWIRO

0
Sunday July 09, 2017 - 14:22:03 in by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Xisbiga WADDANI ee Burco ku sugnaa oo maanta Bookhday Maktabadda HALKARAAN + Dhirigelintii Gudomiye Cirro siiyey Dhalinyarada+SAWIRO

    Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayay Guddomiyaha Ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxman Cirro oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalda Burco ayaa Maanta Booqasho ku Tagay X arunka Akhriska Burco ee HALKARAAN,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ballaadhan oo uu hogaaminayay Guddomiyaha Ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxman Cirro oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalda Burco ayaa Maanta Booqasho ku Tagay X arunka Akhriska Burco ee HALKARAAN,

Waxana halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyinta Naadiga Halkaran.

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing

Guddomiyaha iyo weftigiisa ayaa Maktabadda ay aqoonta iyo cilmiga ka qaataan Bulshada Burco wxooga ku akhristey Buugaaag isla markaasna masuliyinta Naadiga ka xogwarraystay xaaladda akhriska iyo qoraalka ee Burco iyo Duruufaha ku xeeran

Waxa sharaxaad kooban Guddomiyaha iyo weftigiisa halkas ku siiyey Guddomiyaha Naadiga HALKARAAN Mustafe Osman oo ka sheekeeyey marxilkii naadigu soo maray iyo xilligi u horeeyey ee Burco yeelato Goob wax lagu akhristo.

Guddomiyuhu wuxu halkaas ka ammaanay cid kasta oo gacan ka geysatay dhiirigelinta dhalnyarada iyo wax akhriska oo isugu jirtay wasiiro, xildhibaano, qurbajoog, iyo shakhsiyaad gaar ah ba, waxayna si gaar ah u xuseen Xildhiban Bidhi iyo xildhibaan Aar oo Buugtii u horeeyey ee mar 2aad dib loogu furo maktabadda ku deeqay, Hogaamiye Xirsi cali iyo Cabdicasiis samale oo wakhtigi ay wasiirrada ahaayeen iyaguna 2 sanno dhaqaalahood ka bixiyey naadiga, wasiir calimareexan oo shelfska lagu wareejiyey maktabada ku deeqay iyo dawladda hose burco oo u hogaamiyo maxamed murad oo dhistay dhismaha ay hadda degentahay halkaran ee maktabaddu ku taallo isla mrkaasna bixisa mushaharka shaqaalaha maktabadda.

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

Gudomiyuhu Wuxu xusay in xaruntani tahay xarun ay reer burco leyihiin isl amrkaasna ah Hantida keliya ee dhalinyarada burco ay maanta ku faanto, waxuna tilmaamay in xisbiyada qaranka oo dhami ay halkan iman karan mid walibana wuxu dhalinyradiisa gashado ay ugu abaal hayn donaan.

Wuxu sido kale Gudomiyaha Naadigu so bandhigay dhaqaale yar oo tartan ay u qabteen dugsiyada h.dhexe ee burco oo ay dhalinyrada isku dhex gelinayeen lagu leeyahay isla markaasna ay jeclaysteen in xisbiyda iyo shakhsiyaadka kale ee ka qaybqaadan karaba ay u so bandhigaan.

Gudomiye Cirro oo gebogabadii kulankan ka hadlay ayaa aad ubogaadiyey Dhalinyarda Burco ee Gacanta ku haysta xaruntan, wuxuna tilmaamay in xarumaha noocani muhiim u yihiin bulshada iyo gud ahaanba qarankeeda isago ku ammanay inay ku fikireen dhalinyaradii fikirkan keentay fikir waxtar leh oo maanta ay midhihiisii hayaan oo ay burco ka muuqato aqoontii ay buugta halkan taala ka akhriyeen, wuxu si cad gudomiye cirro u sheegay inay is garab taagayaan dhalinyarada, isla markaasna da’yrtu tahay tan keliya ee qaranku ku dhismayo hadi la tayeeyo oo la gacan qabto, isago goobtaasna ku bixiyey dhaqaalihii koobna ee ay xisbiyada kulmiye iyo waddani u bandhigeen dhalinyaradu ooh ore kulmiye u ballanqaday balse anu fulinImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoor



Ayanle Hassan PM

Afkashacabka.com

Burco /office

Afkashacabka@gmail.com