Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Wacyigalin Ah Ku Gaalaabixiyey Deegaanada Gobolka Togdheer

0
Tuesday July 11, 2017 - 18:44:41 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Wacyigalin Ah Ku Gaalaabixiyey Deegaanada Gobolka Togdheer

    Burco(AFKA);Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Wacyigalin Ah Ku Gaalaabixiyey Deegaanada Gobolka Togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Wacyigalin Ah Ku Gaalaabixiyey Deegaanada Gobolka Togdheer

Xisbiga Waddani Oo Gaadhi Ku Wareejiyey Qoryaale, Halka Deegaanka Heero Ay U Dhagax Dhigeen Xanaano (MCH), Xisbiga Kulmiye Marar Badan Ku Guuldaraysay Inuu U Dhiso

(SLT-Burco)-Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa socdaal ku gaalaabixiyey deegaano tiro badan oo gobolka Togdheer ka tirsan oo ay ka mid yihiin Qoryaale, Ina-Afmadoobe, War-Cimraan, Bali-Calanle, Maxamed-ugaas, Taalo-buur, Heero iyo Shansha Cad.

Weftigan ayaa lugtuu hore ee socdalakooda ka bilaabay magaalada Ina-afmadoobe oo 40Km bari kaga beegan magaalada Burco, waxaanay uga gudbeen degmada Qorayaale oo si weyn loogu soo dhaweyey oo dadweynaha ku dhqan degmada Qoryaale ay si fiican ugu hawlanaayeen qaadashada kaadhka codbixinta, ayuu hogaamiyuhu halkaasi kula hadlay waxaanu ku booriyey inay kaadhka codbixinta qaataan, isagoo sidoo kale ku wareejiye gaadhi xisbigu leeyahay.

Waxaanay dadweynuhu u sheegeen weftiga Hogaamiyaha xisbiga Waddani intii uu halkaasi ku sugnaa inay qaateen mawqifka xisbiga Waddani isla markaana ay tacadiyo kala kulmaan maamulka degmada Qoryaale.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa ugu baaqay maamulka degmada inay shacbiga ka daayaan hagardaamada maadaamo oo ay maalmo yar sii joogi doonaan, weftigu wuu siimaray deegaanka War-Cimraan halkaas oo uu u kuurgalay qaadashada kaadhka diiwaangalinta oo badi dadweynaha deegaankaasi War-Cimraan ay qaateen, intaa ka dib waxa uu weftigu u baxay dhinaca Bali-calanle oo uu ku hodayday.

Dhamaan deegaamada weftugu maryey waxa ay u kuurgalayeen qaadashada kaadhadhka cod bixinta oo si fiican uga socotay deegaamadaasi oo si wanaagsan uga soo kabtay abaar ba’an oo ay soo mareen, ilaahayna uu ka dul qaaday ayaa dhamaantood ahaa kuwo barwaaqo ah.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaasi Xasan ayaa Xanaano (MCH) u dhagax dhigay deegaanka Heero iyadoo xisbiga Kulmiye ay hore marar badan u balan qaadeen waxna aanay ka hirgalin, balse xisbiga Waddani uu dhisi doono, kadib waxa weftiga hogaamiyaha xisbiga Waddani usoo gudbeen magaalada Maxamed-ugaas iyo Taalo-buur, halkaas oo iyagana si weyn loogu soo dhaweeyey qaadashada dadweynahana weftigu uu ku booriyey inay qaataan kaadhka codbixinta.

Waxaanay weftigu markii ay soo gaadheen deegaanka Bali-calanle oo ay dad weynebadan ku soo dhaweeyeen ayaa odayaasha deegaankaasi ay uga mahadnaqeen deeqihii xisbiga Waddani uu soo gaadhsiiyey una soo diray xiliyadii shuban biyoodka iyo abaaruhu deegaamadaasi ay ka jireen, waxaanay dadka deegaankaasi ay sheegeen inay codka siin doonaan xisbiga Waddani.