Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabilay Gudoomiyaha Shirkada Sagal Jet Oo Gudoonsiiyey Boqol Buug

0
Tuesday July 25, 2017 - 14:35:13 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Qaabilay Gudoomiyaha Shirkada Sagal Jet Oo Gudoonsiiyey Boqol Buug

    Jabuuti(AFKA);-Guddoomiyaha shirkadda casriga ah ee daabacaadda ee Sagal Jet ee fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa 100 buug oo daabacan oo ka hadlaya dhaqanka, suugaanta iyo afka Soomaaliga ku guddoonsiisay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti(AFKA);-Guddoomiyaha shirkadda casriga ah ee daabacaadda ee Sagal Jet ee fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa 100 buug oo daabacan oo ka hadlaya dhaqanka, suugaanta iyo afka Soomaaliga ku guddoonsiisay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweyne Geele oo guddoomiyaha shirkadda Sagal Jet oo uu weheliyay safiirka Djibouti ee jooga Somaliland danjire Xuseen Cumar Kawaaliye ku qaabilay qasriga madaxtooyada, wuxuu shirkadda Sagal Jet uga mahadceliyay buugaagta qoraalka ah ee ay daabaceen oo ah wax hadhaya oo taariikh reebaya. "Dadka hal abuurka leh ama abwaanada ama qoraaga ama gabayaaga ah wixii ay qoreen inay arkaan oo la daabacay oo dee hadhaya, maxaa yeelay


hadalku wuu halaabayaa laakiin qoraalku waa wax hadhaya dadkeenu weli uma bislaan inuu jeebkiisa gacanta ka saaro laakiin carruurta lagu barbaariyo oo la baro taariikh badan oo in nin waliba dhankiisa ula qabto, idinkuna waxaad leedihiin hambalyo weyn, halkaas inaad ka sii wadaan.” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

 

Guddoomiyaha shirkadda Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar oo markii dambe saxaafadda la hadlay ayaa madaxweyne Geele uga mahadceliyay dedaalka uu geliyo ururinta Afka Soomaaliga, "Fursad weyn ayay ahayd runtii inaan la kulmo oo uu nagu soo dhaweeyo annagoo ah shirkadda Sagal jet madaxweynaha Jabuuti oo nagu qaabilay qasriga madaxtooyada oo daaranayd hadiyad buugaag ah oo ah 100 buug oo isugu jira suugaan taariikh iyo wax kale oo qoraalka Soomaaliga ku saabsan oonu guddoonsiinay madaxweynaha oo uga mahadnaqno dhiirigelinta uu dhiirigeliyo qoraalka iyo afka Soomaaliga.” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Aar.

Safiirka dalka Djibouti u jooga Somaliland danjire Xuseen Cumar Kawaaliye oo isna halkaasa ka hadlay ayaa sheegay in hadiyada shirkadda Sagal Jet isugu jirtay hadiyado daabacan oo buugaag ah oo taariikh reebaya, waxaanu madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyay qaabiladda uu qaabilay.