Daawo:Madaxweynaha Turkiga Oo Socdaal Uu Ku Dhex-Dhexaadinayo Dalalaka Khaliijka Ku Tagay Qadar

0
Tuesday July 25, 2017 - 15:40:24 in by Burco Office
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxweynaha Turkiga Oo Socdaal Uu Ku Dhex-Dhexaadinayo Dalalaka Khaliijka Ku Tagay Qadar

    Madaxweynaha Turkiga Oo Socdaal Uu Ku Dhex-Dhexaadinayo Dalalaka Khaliijka Ku Tagay Qadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga Oo Socdaal Uu Ku Dhex-Dhexaadinayo Dalalaka Khaliijka Ku Tagay Qadar

Madaxweynaha Waddanka Turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa Shalay oo isniin ahayd waxa uu gaadhay magaalada Dooha ee dalka Qatar, waana lugtiisii ugu dambaysay socdaalka dhexdhexaadinta ah ee uu ku marayo Waddamada Khaliijka Carabta.

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee ANADOOL Booqashada Madaxweynaha Turkigu ku yimid dalka Qatar oo qaadanaysa muddo hal maalin ah ayaa waxa ay amiirka qatar Sh Tamim ka wadahadli doonaan xidhiidhkooda sokeeye iyo xal u raadinta dhibaatada diblumaasiyadeed ee gobolka khaliijka ka taagan.
Madaxweyne Ordogan ayaa maalintii shalay waxa uu socdaal ku tegay Dalalka Sucuudiga iyo kuweyt.

Dhanka kalena jaamacada Ururka Dalalka islaamka ayaa maanta kulan degdeg ah ku yeeshay Magaalada Jiddah ee Boqortooyada sucuudiga, kaas oo ay kaga wadahadleen dhibaatada ka taagan masaajidka barakaysan ee Qudus.
kulanka waxaa laga sheegay in hagardaamo kasta oo loo gaysto masaajidka barakaysan iyo dadka ku cibaadaysanaya ay tahay khadka cas ee lama taabtaanka ah, is;a markaana ay saamayn ku yeelanayso deganaanshaha iyo xasiloonida Gobolkaasi, waxana baaqani ku soo beegmayaa iyadoo muddo todobaad ah ay iska hor imaado dhexmarayaan ciidamada yuhuuda iyo shacabka falastiiniyiinta oo ka godoodsan qalabka electronic-ada ah ee ay israa’iil ku rakibtay albaabada laga galo masjidka Qudus oo ah qiblada labaad ee Muslimiinta.
Kulankan waxaa yeeshay wakiilada dalalka islaamka u fadhiya ururkaasi iyadoo bisha soo socotana ay dalalkaasi kulan kale ku yeelan doonaan Magaalada stanbul ee dalka Turkiga.