Daawo:Al-Shabaab Oo Shacabka Kenya Uga Digtay Inay Ka Qayb Galaan Doorashada Madaxtooyada

0
Thursday July 27, 2017 - 12:47:48 in by Burco Office
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Al-Shabaab Oo Shacabka Kenya Uga Digtay Inay Ka Qayb Galaan Doorashada Madaxtooyada

    Al-Shabaab Oo Shacabka Kenya Uga Digtay Inay Ka Qayb Galaan Doorashada Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab Oo Shacabka Kenya Uga Digtay Inay Ka Qayb Galaan Doorashada Madaxtooyada

Ururka Al-Shabaab ayaa uga digay bulshada dalka Kenya in ay ka qayb galaan doorashada madaxweynaha ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo dalkaas.

Hogaamiyaha Al-shabaab u qaabilsan dalka Kenya Axmed Iman Ali oo la hadlay warbaahinta ay leeyihiin ururka Al-shabaab ayaa sheegay in shacabka dalka Kenya uga digayaan in ay ka qeybgalaan doorashada.

 

Waxaa uu sheegay in doorashada dhawaan ka dhaceysa dalkaas tahay mid abaabulkeeda ay leeyihiin dad sida uu hadalka u dhigay gaalo ah , isaga oo shacabka uga digay in ay doorashada u soo baxaan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa dhawaan gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo uu ka waday olalihiisa ku aadan doorashada, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaalida ee degan gobolka Waqooyi Bari in ay doorashada si wanaagsan uga qayb-qaataan.

Digniintan ka soo baxday ururka Al-shabaab ayaa dhinaca kale imaneysa xili ku-simaha wasiirada amniga dalka Kenya uu soo saaray dhinaciisa digniin la xidhiidha qaraxyo iyo afduub ay geysan karaan Al-shabaab inta ay socto doorashada.