Daawo:Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo Oo Gudi U Saaray Is Rasaaseen Dhexmartay Ciidanka Somaliya.

0
Thursday July 27, 2017 - 13:19:35 in by Burco Office
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo Oo Gudi U Saaray Is Rasaaseen Dhexmartay Ciidanka Somaliya.

    Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo Oo Gudi U Saaray Is Rasaaseen Dhexmartay Ciidanka Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo Oo Gudi U Saaray Is Rasaaseen Dhexmartay Ciidanka Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray isku-dhacyadii shalay dhexmaray ciidammo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Isku dhacyadii ciidamada dhexmaray waxaa ku geeryooday ku dhawaad shan askari halka afar kalena ay ku dhaawacmeen. Mid kamid ah iska hor imaadyada waxaa uu ka dhacay nawaxiga xaruunta Murtida iyo Madadaalada ee National Threat, waxaana lagu dilay Taliye ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijiile).

Madaxwayne Farmaajo ayaa u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka Qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dhinaca kale Taliye Saacid oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

"Guddi ayaa loo saaray oo soo baaraya dadkii ka dambeeyay in shaqaaqadaasi ay dhacdo waxaana laga qaadi doonaa talaabo, tusaale ayeeyna noqon doontaa, ciidan dambe oo loogu dulqaadan doono in shaqaaqo noocaan oo kale ay ka qeyb-qaataana ma jirtoā€¯, ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga.

Dhinaca kale Ciidamada Xasilinta ee dowladda Somaliya ayaa gacanta ku dhigay Laba Askari oo ka tirsan Milatariga Somaliya islamarkaana watay dhar shacab.

Dadka Xaafadda Kaawo godey qaybta kala qeybisa degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ayaa sheegaya in ay halkaas ku dagaallameen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Somaliya.

Isku dhaca ayaa ka billowday kaddib markii Labada Askari ee Milatariga ay isku dayeen in ay Qoriga ka qaataan Askariga ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta.