Daawo:Jarmalka: Nin toorrey ku weeraray dad dukaameysanayay

0
Saturday July 29, 2017 - 11:01:08 in by Burco Office
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Jarmalka: Nin toorrey ku weeraray dad dukaameysanayay

    Jarmalka: Nin toorrey ku weeraray dad dukaameysanayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jarmalka: Nin toorrey ku weeraray dad dukaameysanayay

Booliiska magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa isku dayaya inay ogaadaan ujeeddada tallaabadii uu nin toorrey ugu dilay qof ka dukaameysanayay supermarket isla markaana uu ugu dhaawacay lix qof oo kale.

Ninka weerarka qaaday ayaa kaddib goobta ka baxsaday, isagoo sidoo kale dhibaatooyin u geysanaya kuwii baacsanayay iyo dad waddada marayay, balse waxay ku guuleysteen inay qabtaan ilaa uu booliisku xiray.

Ninkan laga shakisan yahay ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhashay Isu tagga Imaaraadka Carabta, balse baarayaasha ayaa sheegaya inay weli isku dayayaan inay soo helaan dhalashadiisa.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ninku Muslim yahay, isagoo markuu ka baxayay dukaanka ku qeylinayay ' Allahu Akbar ' .

Booliiska ayaan weli xaqiijin wararkaas, balse waxay sheegeen in argagixinimo aysan ka marneyn falkani.