Dalalka Reer Galbeedka OO Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Nuxurka Fariimo Ay Soo Gaadhsiiyeen Madaxweyne Siilaanyo

0
Tuesday August 01, 2017 - 10:58:24 in by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Reer Galbeedka OO Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Nuxurka Fariimo Ay Soo Gaadhsiiyeen Madaxweyne Siilaanyo

    Dalalka Reer Galbeedka OO Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Nuxurka Fariimo Ay Soo Gaadhsiiyeen Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Reer Galbeedka OO Isha Ku Haya Doorashada Somaliland Iyo Nuxurka Fariimo Ay Soo Gaadhsiiyeen Madaxweyne Siilaanyo

Wadamada reer Yurub iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda doorashada madaxtooyada Somaliland ee qabsoomaysa November 2017,waxaanay dalalkani rajo wayn ka qabaan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda.

Wadamadan oo kala ah Ingiriiska,Maraykanka,Denmark,Ururka midowga Yurub iyo dalal kale ayaa waxay mudooyinkii u danbeeyey wafuud heer safiir ah usoo direen magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland,iyaga oo dhamaantood siday fariin nuxurkeedu yahay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto,waxaanay aaminsan yihiin in doorashada oo wakhitgan loo qabtay ku qabsoontaa ay soo celin karto kalsoonidii beesha Caalamku ku qabtay nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Safiiradan oo madaxwayne Siilaanyo la yeeshay kulamo gooni gooni ah ayaa waxa sidoo kale madaxwaynaha u sheegeen inay eegayaan qaabka ay doorashadaasi u dhacdo iyo waliba inay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo xisbiyada dalkuna u tartamaan si xor ah.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya oo maalmo ka hor ka dhoofay caasimada Hargeysa ayaa sheegay inuu madaxwaynaha soo gaadhsiiyay fariin ah in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo isla markaana ah mid xor ah oo ay xisbiyaduna u tartamaan si xalaal ah.

Safiirka Denmark u qaabilsan Kenya iyo Somalida danjire Mette Knudsen oo badhtamihii bishii hore safar ku yimi Hargeysa ayaa qoraal ay safaaraddu soo saartay waxa ay iyadoo doorashada ka hadlaysa ku tidhi

"Waxa ay marag run u noqon doonaan horumarka dimuqraadiyadda Somaliland”.

Danjiraha Ingiriiska ee Somaliland iyo Somaliya David Concer oo isna todobaadkan dhamaaday socdaal ku yimi dalka ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu gaadhsiiyay fariintan

"Waxaan u sheegay madaxwaynaha hadii Somaliland ku guulaysato doorashooyinkaas in taasi noqonayso fursad aad u muhiim ah oo soo jiidan karta indhaha beesha Caalamka ,isla markaana dardar galin karta in Caalamku bixiyo dhaqaaale dheeraad ah oo lagu maalgalinayo dhismaha Somaliland”ayuu yidhi Safiirku.

Si kasteba ha ahaatee waxa muuqata in dalalka reer galbeedku indhaha si gaar ah ugu hayaan doorashada madaxtooyada Somaliland,iyaga oo aaminsan in doorashada oo jawi wanaagsan ku qabsoontaa ay Somaliland u furi doonto albaabo aan hadda furnayn iyo waliba in dib loo soo celin karo wada hadaladii istaagay ee Somaliland iyo Somaliya.