Xiisad ka taagan magaalada Awamiya ee bariga Sacuudiga

0
Wednesday August 02, 2017 - 08:03:56 in by Burco Office
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad ka taagan magaalada Awamiya ee bariga Sacuudiga

    Xiisad ka taagan magaalada Awamiya ee bariga Sacuudiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad ka taagan magaalada Awamiya ee bariga Sacuudiga

Boqollaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen magaalo ku taalla bariga dalka Sacuudi Carabiya, kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay halkaasi ka socdeen isku dhacyo u dhaxeeya xoogagga ammaanka iyo rag hubeysan.

Maamulka magaaladaasi ayaa isku dayayay inay burburiyaan magaalada Qaddiimiga ah ee Awamiya, iyagoo sababta ku sheegay in waddooyinkeeda ciriiriga ah ay ku dhuuntaan maleeshiyaadka Shiicada ah.

Waa qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka soo xoogeysta gobolka Bari ee dalkaasi, oo ay Shiicadu ku badan yihiin. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bani`aadamka ayaa ku eedeeyay xoogagga amaanka inay isku dayayaan in dadka deegaanka ay ku qasbaan inay isaga baxaan halkaasi.

Xiisado ayaa cirka isku shareeray kaddib markii la daldalay wadaadka Shiicada ah Nimr al-Nimr bishii January

Awamiya ayaa ah halka uu ku noolaa wadaadka Shiicaha ah, Nimr al-Nimr, oo la dilay sanadkii hore kaddib markii lagu eedeeyay argagixisinnimo.