Ruushka oo sheegay in Maraykanku dagaal ganacsi ku dhawaaqay

0
Thursday August 03, 2017 - 10:36:22 in by Burco Office
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo sheegay in Maraykanku dagaal ganacsi ku dhawaaqay

    Ruushka oo sheegay in Maraykanku dagaal ganacsi ku dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka oo sheegay in Maraykanku dagaal ganacsi ku dhawaaqay

Ra'isal wasaaraha Ruushka, Dmitry Medvedev, ayaa sheegay in cuno qabataynaha cusub ee Maraykanku ku soo rogay dalkiisu ay ka dhigan yihiin in dalkaasi ku dhawaaqay dagaal cad oo xagga ganacsiga ah.

Medvedev wuxu sheegay in talaabadaasi muujinayso karti darrada maamul ee madaxweynaha Maraykanka, oo uu ku sheegay in uu Congress-kii dulleeyey.

Xeerkan uu madaxweyne Trump saxeexay waxa looga dan leeyahay in lagu ciqaabo Ruushka oo lagu eedeedey in uu fara geliyey doorashooyinkii madaxtinimada ee sannadkii hore ka dhacay Ukraine.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu saxeexay xeer cuno qabatayn lagu saarayo Ruushka, kaasi oo uu dhawaan meel mariyey aqalka Congress-ku.

Saxeexidda xeerkan wuxu Trump kaga raad gatay waji gabax uu kala kulmi lahaa Congress-ka haddii uu diidi lahaa.

Midowga Yurub ayaa se dhaliilay ku dhawaaqida cuno qabateyntan dhinaca keliya ah, taas oo laga cabsi qabo in ay saameyso ku tiirsanaanta Midowga ee gaaska Ruushka.