Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Gadhiigii Ololaha Doorashada Madaxweynaha Kenya Ee Ay Todobaadkii Hore Afduubteen +SAWIRRO

0
Saturday August 05, 2017 - 19:39:32 in by Burco Office
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Gadhiigii Ololaha Doorashada Madaxweynaha Kenya Ee Ay Todobaadkii Hore Afduubteen +SAWIRRO

    Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadhi ay todobaadkii ka hor ka qafaasheen Mandhera, kaasoo ka mid ahaa gaadiidka ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee oo uu u tartamayo Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadhi ay todobaadkii ka hor ka qafaasheen Mandhera, kaasoo ka mid ahaa gaadiidka ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee oo uu u tartamayo Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta.

Gaadhigan ayaa ku lahaa calaamada Xisbiga Jubilee, waxaa ku sawirnaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Musharax Xisbiga Jubilee ee Mandhera Mohamed Ibraahim Mohamed.

Muuqaal kooban oo Al-Shabaab soo bandhigtay ayaa waxaa ka muuqda Gaadhiga oo socda dhul howd ah oo aan la sheegin, waxaa kaxeynayay oo saarnaa dagaalyahano hubeysan oo wajiga u xidhnaa.

Dagaalyahano Kenyan ah ayaa oo ku hadlaya luqada Sawaaxilaga ayaa ka soo muuqday muuqaalkan, waxaa ay saarnaayeen dusha sare ee gaadhiga la soo bandhigay.

Gaadiidka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa lagu soo beegay, iyadoo maalmo un ay naga xigaan doorashada Madaxtinimada Kenya.