Daawo;Madaxweynaha Soaliland Oo Saaka Magacabay La Degmo Oo Cusub Iyo Gobolada Ay Ka Tirsan Yihiin. WAR-SAXAAFADEED: 08/08/2017

0
Tuesday August 08, 2017 - 18:50:56 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;Madaxweynaha Soaliland Oo Saaka Magacabay La Degmo Oo Cusub Iyo Gobolada Ay Ka Tirsan Yihiin. WAR-SAXAAFADEED: 08/08/2017

    Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Soaliland Oo Saaka Magacabay La Degmo Oo Cusub Iyo Gobolada Ay Ka Tirsan Yihiin. WAR-SAXAAFADEED: 08/08/2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Soaliland Oo Saaka Magacabay La Degmo Oo Cusub Iyo Gobolada Ay Ka Tirsan Yihiin. WAR-SAXAAFADEED: 08/08/2017


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta ku magacaabay labada degmo.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

1. In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
2. In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL