Boqollaal Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ku Dhuftay Dalka Sierra Leone

0
Tuesday August 15, 2017 - 09:04:30 in by Burco Office
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqollaal Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ku Dhuftay Dalka Sierra Leone

    Boqollaal Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ku Dhuftay Dalka Sierra Leone

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqollaal Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ku Dhuftay Dalka Sierra Leone

In ka badan 300 oo qof ayaa loo maleynayaa inay ku dhinteen magaalada Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone, kaddib robab xooggan oo daad ku fatahiyay magaalada sababayna inay guryo soo dumaan.

Guryo ayuu daadku xaaqay, meydad badan ayaana lagu arkayaa waddooyinka magaaladaasi. Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka kordho, iyadoo loo maleynayo in boqollaal meydad ah ay ku hoos jiraan dhismooyinka burburay. Madaxweynaha dalkaasi Ernest Bai Koroma ayaa sheegay in gurmad degdeg ah loo fidinayo dhibbanayaasha waxa uu ugu yeeray musiibo qaran.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Daadadku kuma cusba dalka Sierra Leone, halkaas oo roobabka xooggan ay qaadaan guryaha aan sida hagaagsan loo dhisin.

Roobabka ayaa aalaaba ku dhufta gudaha iyo deegaannada ku xeeran magaalada Freetown oo ah magaalo-xeebeed ay buux dhaafiyeen in ka badan hal milyan oo qof.

Sanadkii 2015, Freetown waxaa ka dhuftay daadad ka dhashay roobab watay dabeylaha Monsoon-ta kuwaas oo sababay dhimashada 10 qof, halka kumannaan qofna ay guryo la`aan noqdeen.