Weftigii Xisbiga Kulmiye ee Ku Sugnaa UK oo Galabnimadii Shalay usoo Baxay Dalkii Hooyo.

0
Tuesday August 15, 2017 - 14:03:45 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Xisbiga Kulmiye ee Ku Sugnaa UK oo Galabnimadii Shalay usoo Baxay Dalkii Hooyo.

    Weftigii uu hogaaminayey gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed oo Ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Dhexe Mudane Jaamac Shabeel iyo Siyaasi Axmed Muumin Seed oo Afartii Week ee u danbeeyey ku joogay wadanka Ingrii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii uu hogaaminayey gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed oo Ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha Dhexe Mudane Jaamac Shabeel iyo Siyaasi Axmed Muumin Seed oo Afartii Week ee u danbeeyey ku joogay wadanka Ingriiska Safar Shaqo ayaa galabta oo Isniin ah oo taariikhdu tahay 14/8/17 usoo ambabaxay dalkii hooyo.

Mudadii ay weftigu ku sugnaayeen Wadankan Ingriiska ayaa waxay Safaro shaqo ku Galaa bixiyeen dhamaanba magaalooyinka waaweyn ee wadankan Ingriiska yagoo shirar la gelayay dhamaanba laamaha Xisbiga Kulmiye ee wadankan.

 

Magaalooyinkii ay safarka shaqo ku tageen shirarka aadka u balaadhanina ka dhaceen waxaa ka mid ahaa London oo ah halki


weftigu kusoo degey Birmingham, Manchester, Bristall , Sheffield, Liverpool iyo Cardiff.

 

 

Wefitiga ayaa ujeedadii safarku ugu soo dhamaaday si habsami ah yagoo soo dhaweyn diiran kala kulmayay dhamaanba magaalooyinkii ay tageen oo dhamaantood Cududda kowaad ahayd xisbiga Kulmiye.

 

Weftiga ayaa waxaa Airport-ka usii gelbiyey Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye UK oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Xariir Xirsi Adar.

 

Guusha ugu wayni waxay kadib markii howlihii ay weftigu u yimaadan wadankan oo ahaa Dardargelinta iyo u diyaar garowga doorashada fooda inagusoo haysa ay ugu dhamaatay sidii loogu talo galay, UK waa wadanka kowaad ee Jaaliyadaha Somaliland ugu badan yihiin dibedda xisbiga Kulmiyena ka yahay Hormuudka ama Cududda kowaad.

 

Doorashadii oo muddo aad u kooban ay ka hadhsan tahay ayaa waxaa wadanka Ingriiska ka socda is abaabul aad u xoogan oo loogu diyaar garoobayo doorashada foodda inagusoo haysa, midhaha dadaalkan socda waxaa dhawaan laga dareemi doonaa gudaha dalka iyo debeddiisa inshallaah Kulmiye Guul.

 

Weftiga ayaa kusoo beegan Dalka Somaliland Berri oo ah SALAASA taariikhduna tahay 15/8/17 Saacadu markay tahay 11am

 

Warbaahinta Xisbiga Kulmiye UK