Garsoorka Iran Oo Xayiraad Kusoo Rogey Shaqaalaha Laanta Persia Ee BBC-da

0
Wednesday August 16, 2017 - 10:53:44 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorka Iran Oo Xayiraad Kusoo Rogey Shaqaalaha Laanta Persia Ee BBC-da

    Iran(AFKA);-BBC-da ayaa ugu baaqday dowladda Iran in ay ka noqoto go'aan u muuqda in uu gabi ahaanba xayiraad saarayo shaqaalaha laanta Persia ee BBC-da ee Iran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iran(AFKA);-BBC-da ayaa ugu baaqday dowladda Iran in ay ka noqoto go'aan u muuqda in uu gabi ahaanba xayiraad saarayo shaqaalaha laanta Persia ee BBC-da ee Iran.

Agaasimaha BBC World Servicee Francesca Unsworth ayaa sheegtey in ay tahay wax aad looga xumaado weerarka lagu bartilmaameedsanayo shaqaalaha laanta Persia ee BBC-da, iyo waliba dadkii horey oga shaqayn jirey iyo dadka sida madaxa banaan ula shaqeeya.

Waxa ay sheegtey in go’aanka garsoorka Iran uu shaqaalaha BBC-da ka mamnuucayo in ay iibsadaan guri iyo gaari Iran dhexdeeda ama xitaa sii iibiyaan.

BBC Persia ayaa waxa ay wax ku baahisaa xagga raadiyaha iyo waliba taleefishinka , balse mamnuuc ayay ka tahay gudaha Iran.

Dhawaanahan waxaa jirtey in shaqaalaha laantan iyo xubnaha qoyskooda siyaabo xun ay ula dhaqmayeen ciidamada Iran.

Sidaasi oo ay tahay tirakoob dhawaan la sameeyey ayaa muujinaya in dad gaaraya 13 malyan oo qof ay dhagaystaan ama daalacdaan BBC World Service.

Amir Azimi oo ah madaxa kumeelgaarka ah ee laantan ayaa sheegey in shaqaalaha iyo maamulkuba ay sii wadi doonaan shaqadooda ah in ay soo bandhigaan warar dhexdhexaad ah.