Dawladda Sacuudiga Oo Xuduuda U Fureysa Xujeyda Ka Imaaneysa Dalka Qatar

0
Thursday August 17, 2017 - 10:01:23 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Sacuudiga Oo Xuduuda U Fureysa Xujeyda Ka Imaaneysa Dalka Qatar

    Riyadh(AFKA);-Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay fureyso xuduuda dhulka ee ay la wadaagto Qatar, si ay ugu ogolaato Xujeyda dalkaas ka imaaneysa inay ka soo gudbaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadh(AFKA);-Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay fureyso xuduuda dhulka ee ay la wadaagto Qatar, si ay ugu ogolaato Xujeyda dalkaas ka imaaneysa inay ka soo gudbaan.

Wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa sheegay in xuduuda Salwa loo furi doono muwaadiniinta Qatar ee doonaya inay sanadkan soo gutaan acmaasha xajka.

Boqor Salmaan ayaa balan qaaday inay bixin doonaan qarashaadka ku baxaya Xujeyda Sanadkan, iyadoo diyaaradaha Sacuudiga loo diri doono Doxa, si ay u soo qaadaan Xujeyda.

Sacuudiga ayaa horay u xiray marinka Salwa ee xuduuda labada dal u dhaxeysa, bishii June ayay aheyd markii Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen Qatar, isla markaana ku soo xiray xayiraado.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan ku eedeysay Sacuudiga inay is hor-taagtay xujeyda Qatar ka imaaneysa ee sanadkan gudanaya xajka, hase ahaatee Sacuudiga ayaa beenisay, waxaana ay sheegtay in Qatar ay siyaasadeyneyso arrimaha xajka.