Geed Laba Qarni Jiray Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Ka Badan Konton Qof Iyo Dalk Uu Yaalo.

0
Saturday August 19, 2017 - 12:52:35 in by Burco Office
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geed Laba Qarni Jiray Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Ka Badan Konton Qof Iyo Dalk Uu Yaalo.

    Geed Laba Qarni Jiray Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Ka Badan Konton Qof Iyo Dalk Uu Yaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geed Laba Qarni Jiray Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Ka Badan Konton Qof Iyo Dalk Uu Yaalo. Geed Laba Qarni Jiray Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Ka Badan Konton Qof Iyo Dalk Uu Yaalo.

 

Goobaha ay geedaha waaweyn ee caggaarani ku yaalaan oo ah goobo ay dadku jecel yihiin xilliga ay nasanayaan iyo mararka ay naftoodu calmato, laakiin dalka Portugal gaar ahaan magaalada Foshal ee magaalo madaxda jasiirada Madeira ayaa waxa ka dhacday dhacdo aad u murrugo badan kadib markii dad badan oo isugu soo baxeen meel fagaare ah oo aad u dhir badan si ay u guttaan mid ka mid ah waajibaadkooda diiniga ah, sidaasi awgeed ayaa geed jiray laba boqol oo sano ama laba qarni aan nidhaahne uu ku soo go’ay dadkaasi waxaana isla goobtii Ku naf waayay 13 ruux halka 49 kalena ay ku dhaawacmeen shabakada RTB gaar ahaan qaybteeda telefishanka oo Wargeyska Himilo kasoo xigtay ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinayay dadkii ku waxyeeloobay geedkaasi hoostiisa.

Sidoo kale AF Hayeen u hadlayay dhakhtarka magaaladaasi Foshal ayaa waxa uu sheegay in dadka dhaawaca ah 10 ka mid ahi ay xaaladoodu aad u darran tahay, dhacdadan ayaa waxay noqotay mid aad looga hadal hayo dalkaasi Portugal masuuliyiinta dalkaasi na waxay sheegeen in dadka ku geeriyooday geedkaasi soo dhacay inay ku jiraan dad ajaanib ah oo dhammaantood aanay ahayn muwaadiniin