MUQDISHO: Wiil Yar Oo 12 jir Ah Oo Isku Dilay Baastoolad Uu Lahaa Aabihii

0
Sunday August 20, 2017 - 09:03:16 in by Burco Office
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUQDISHO: Wiil Yar Oo 12 jir Ah Oo Isku Dilay Baastoolad Uu Lahaa Aabihii

    MUQDISHO: Wiil Yar Oo 12 jir Ah Oo Isku Dilay Baastoolad Uu Lahaa Aabihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO: Wiil Yar Oo 12 jir Ah Oo Isku Dilay Baastoolad Uu Lahaa Aabihii

Wiil da’diisa lagu qiyaasay 12-jir, ayaa xalay isku dilay degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu isku dhuftay Bastoolad la sheegay in uu lahaa Aabihiis.

Wiilka is dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali, waxaana Aabihiisa uu kamid yahay Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Militariga.


Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacay xaafadda Buurdheere ee degmadda Waaberi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

"Wiilka yar ee is dilay, ayaa wuxuu isku dhuftay Bistoolada, xilli uu ku ciyaaraayay”, sidaasi waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah dadka deegaanka Buurdheere ee Degmada Waaberi.

Aabaha dhalay Wiilka yar ee is dilay, ayaa guriga ka maqnaa, xilliga wiilka uu isku dhufanaayay xabadda, ayeey hadalkooda sii raaciyeen dadka deegaanka.

Halista hubka looga tago guryaha, ayaa Qatar weyn waxaa ay ku tahay carruurta balse dhacdooyinka noocaa oo kale ah ayaa dhif iyo nadir ku ah gudaha magaalladda Muqdisho.